Dowladda
Mareykanka oo ka hadashay Xaalada Somalia, shaacisayna in ay
Ciidamo usoo direyso.
(Somalia, January
03,
2008 Ceegaag Online)
Dowlada
Mareykanka ayaa ka hadashey Rabshadaha dalka Soomaaliya iyo
sidii wax looga qaban lahaa Arimaha Soomaaliya, iyagoo
sheegay in dagaalada Soomaaliya ka dhacaya ay wadaan Kooxo
Seef la bood ah.
Xukuumada
Mareykanka ayaa sheegtay in ay qorsheyneso in ay ciidamo
udiraan dalka Soomaaliya,si loo xoojiyo nabadgalyada iyagoo
taageerayaCiidamada dowlada Federaalka Kmg iyo kuwa Itoobiya.
Ciidamadan oo
la keeni doona sida uu sheegay Taliye oo ka tirsan Wasaarada
Gaanshaandhiga Mareykanka ,wadamo badan oo ku yaala gacanka
Cadmeed iyo Africa ,ayaa shaqadoodu tahay la dagaalanka
Argagixisada iyo Caawinta dowladaha si ay ugu guuleystaan
gacan ku soo dhigid cid walboo danbi gasha ama la tuhunsan
yahay in ay maleegayaan Weeraro.
" Waxa ay
nala tahay Ururka Al-Qaacida ay caqabad ku yihiin Amaanka
aduunka, laakiin taasi ka yeelimeyno ,waxaana noo dhaxeeya
dagaal toos ah ,sidaas darteedna ciidamado Mareykanka ah oo
gaaraya 54 Kun ayaan geyn doonaa dalal badan oo looga
shakisan yahay joogitaanka Al-Qaacida" Ayuu yiri Lataliye
sare oo ka mid ah Lataliyaasha Madaxweynaha Mareykanka.
Ciidamada
Marines-ka Mareykanka ayaa hada jooga xeebaha Soomaaliya ,iyagoo
markaasina ilaalo ka haya dhamaanba xeebaha looga shakisan
yahay maritaanka Xubno ka mid ah Kooxaha dagaalada iyo
Qaraxyada ka wada Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Sidoo kale
dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay dagaalada ka socdaa
dalka Soomaaliya ay yihiin kuwa ay gacan lixaad leh ku
leeyihiin Madaxda Al-Qaacida ,waxa ayna sheegeen in looga
baahan yahay dowlada faderaalka ee Soomaaliya iyo dowlada
Itoobiya in ay wax walba ka hor mariyaan nabadgalyada iyo
sidii nabad waarta dalka Soomaaliya looga yagleeli lahaa.
Warkan ka soo
baxay dowlada Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xili ay
dowlada Soomaaliya la tacaaleyso amaanka Magaalada Muqdisho
ee Caasimada Soomaaliya ,ayna hada sheegtay in inta badan
amaanka Magaalada Muqdisho uu xasiloon yahay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |