Dugsi sare oo cusub ayaa laga
dhisayaa Magaalada Jig-Jiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida.
(Jig-Jiga,
January, 09 2008 Ceegaag
Online)
Dugsi sare oo cusub ayaa laga dhisayaa magaalada Jig-Jiga
ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, sida ay
sheegayaan warar laga helay xafiiska waxbarashada ee
deegaanka, Dugsigan oo ay dhismihiisa ku baxayso lacag dhan
10 milyan oo birr ayaa lagu wadaa in lagu dhamaystiro muddo
18 bilood ah.
Wasiir Ku-xigeenka xafiiska waxbarashada,
Idris Maxamed,
ayaa sheegay in dhismaha dugsigu noqday lama-huraan kadib
markii dugsiyadii hore ee Magaaladu ay dabooli waayeen
baahida waxbarsho ee ardayda Jigjiga oo aad u korodhay.
"Qaar kamid ah ardayda dugsiyada sare ee Jigjiga ayaa
waxbrashadooda ku qaata fasalada dugsiyada hoose ee
magaalada kadib markii ay dugsiyada sare awoodi kari waayeen
in ay meel u helaan" ayuu yiri idiris Maxamed oo ah Wasiir
ku-xigeenka waxbarshada.
Magaalada Jigjiga waxaa soo buux dhaafiyey ardey ka timaada
gobolada kale ee dalka oo ay ka jirto baahi dugsi la'aan iyo
nabadgaliyo xumo.
Inkastoo Ismaamulka soomaalidu yahay gobolada ugu dib-dhacsan
Itoobiya, hadana waxbarshadu waxa ay kamid tahy meelaha yar
ee horumar la dareemi karo laga sameeyey,Tirada ardayda
dhigato dugsiyada sare iyo kuliyadaha Jaamadaha dalka ee
kala duwan ayaa kor u kacay sanadhii la soo dhaafay. Waxaa
intaa dheer in ay shaqaalaha Dowladu helaan fursado
waxbarasho oo ay dalka dibadiisa wax ku soo bartaan.
Xigasho:Somalistate
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |