Fadliga Soonka
Maalinta Cashuuraa’ Fadlan Ka Faa'ideyso oo ufaa'idee
Ehelkaaga Iyo Asxaabtaada.
(Somalia
January 17,
2008 Ceegaag Online)
Walaal Ka
Faa'iidayso khayrkan Caashuuraa’ waxay ku beegan tahay
Jan
19, 2008 Aan ka faa’iidaysanno maalmaha khayrka badan ee
Illaahay inoogu deeqay, Waxa kamid ah soonka maalinta
Caashuuraa’.
Maxaa loo soomayaa maalmahan?
Abu Qataada (rc) wuxuu yidhi: Nabiga (SCW) ayaa la weydiiyey
soonka maalinta
Caashuuraa’ (maalinta 10aad ee bisha 10aad, Muxarram ee
sannadka Hijriga ah)
markaasuu yidhi: {waxaa lagu dhaafaa (denbigii) Sannadkii
tagey}. Muslim ayaa wariyey.
Taasuucaa’ (maalinta 9aad) waxay ku beegantahay Jimce: Jan
18, 2008 Caashuuraa’ waxay ku beegantahay Sabti: Jan 19,
2008
Maalinta Caashuuraa’ ee uu Rasuulku (S.C.W) fadligeeda ku
sheegay xadiiska kor ku qoran iyo axaadiis kale oo badani
waa sunne ah in la soomo iyada iyo maalinta ka horraysa ee
Taasuucaa'.
Waa maalin fadli badan ummadaha oo dhanna ay weyneeyaan. Waa
maalintii uu Ilaahay badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.) isla
markaana uu halaagey Fircoonkii Ilaahnimada sheegtay.
Markii uu Rasuulku (S.C.W.) usoo haajirey Magaalada Madiina
wuxuu la kulmay Yuhuuddii halkaas deggenayd oo soomaya,
markii la weydiiyeyna waxay sheegeen in ay maalintani tahay
maalintii uu Rabbi (s.w.) halaagey Fircoon ee uu badbaadiyey
Nabi Muuse (c.s.). Markaas ayuu Rasuulku sheegay in aynu
innagu Nabi Muuse (c.s.) ka mudannahay ama ka xigno Yuhuudda,
sidaas darteedna ay tahay in aynu Soonno.
Guud ahaan Soonka Caashuuraa waa sunne fadli dheeraada leh
ee ma aha Waajib. Ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu na
waafajiyo innagana aqbalo soonka Caashuuraa’ iyo Acmaasha
Saalixa ah oo idil.
XASUUSIN:
Fadlan
Fartiintaan markaa Aragtid u gudbi Ehelkaaga iyo
Saaxiibadaa, waayo markey Soomaan adigana Ajarkooda oo kale
ayaad heleysaa.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |