Gaari ay
leeyihiin Ciidamada dalka Itoobiya ayaa Miino kula Qaraxday
agagaarka Isgoyska Fagax.
(Muqdisho,
January 16,
2008 Ceegaag Online)
Gaari ay
lahaayeen ciidamada Itoobiya ayaa goor hore ee saaka Miino
kula qaraxday meel aan sidaa uga fogeeyn isgoyska Fagax sida
ay sheegayan dad goobjoogayaal ah oo arkayay markii gaariga
Miinada la kacday.
Dadka
degaanka Fagax ayaa waxay sheegayaan in gaarigaasi gabi
ahaantiisa uu bur buray oo ay hoos yaaleen qaar ka mida
ciidmada Itoobiya ee gaariga saarnaa lamana oga inta uu la
egyahay qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray
askartii gaariga la socday.
Sida dadka
goobjoogayaasha ay sheegayaan guud ahaan ciidamadii saaraa
gaarigaasi kama bad baadin qarax lala eegtay.
Ciidamada
Itoobiya ayaa isku wareejiyay nawaaxiga Isgoyska, iyagoo
rasaasna ridayay, waxayna bilaabeen inay ugaarsadaan dhamaan
wixii dad ah oo goobtaas ka dhawaa, waxaana la soo sheegaya
in Isgoyska Fagax aan wax gaadiid ah maraynin xilligan.
Qaraxan
ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo meel fog ah
laga hagayay, waxaana qaraxa lala beegsaday Ciidamada
Ethiopianka uu noqonayaa kii u horeeyay ee khasaare lixaad
leh lagu gaarsiiyo Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo ah
Meelaha ay u arkaan in ay ka yara xasilan tahay Koonfurta.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |