shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Golaha Wasiirada Cusub oo maanta lagu Dhaariyay Magaalada Baydhabo.

(Baydhabo, January 05, 2008 Ceegaag Online)

Waxaa barqanimada maanta lagu Dhaariyay xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo Golaha Wasiirada Cusub ee uu shalay ku Dhawaaqay ra’iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde.

15-kii Wasiir ayaa waxaa Gudaha Baarlamaanka ka yimid 8 xubnood halka 7 kalena  laga keenay Baarlamaanka dibadiisa, Iyadoo ay harsan yihiin 3 Wasaaradood oo uu sheegay Ra’isul wasaare Nuur Cadde in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhisi doono.

Wasaaradaha haray ayaa kala ah Wasaarada Caafimaadka, Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, iyo Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Dhaartii Lagu Dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub kadib waxaa xubnahani iyo Barnaamijka siyaasadeed ee xukuumada Nuur Cadde loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka si ay kalsooni u siiyaan.

Dabayaaqaadii Bishii tagtay ee sanadii aynu ka soo gudbanay ayaa mar uu hor tagay Ra’isul Wasaare Nuur Cadde Golaha baarlamaanka hortooda waxaa uu u sheegay in uu soo koobi doono xubnaha Wasiirada taasoo ay golaha Baarlamaanka sacab diiran ku soo dhaweeyeen hadana ma cada waxa ay la imaan doonaan maanta marka la hor geeyo qorsha howleedka Xukuumadan Cusub ee shalay la magacaabay.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com