Goobihii uu
saaka Dagaalku dhacay ee Magaalada Bosaaso oo Degan (Daawo
Sawiro)
(Boosaaso January
10,
2008 Ceegaag Online)
Waxa
degenaansho laga soo sheegayaa goobihii uu saaka Dagaalku ka
dhacay ee gudaha Magaalada Bosaaso, goobahaasi ayaa waxa
lagu arki karayaa Kumanaan dad ah oo taagan kuwaasi oo u soo
daawashada tegay goobahaasi uu Dagaalku ku dhex maray
Ciidamada Maamulka Puntland iyo Malayshiyadii daacada u ahay
Wasiirkii Hore ee la casilay Siciid Maxamed Raage.
Dagaalkii
saaka ka dhacay gudaha Magaalada Bosaaso ayaa waxa uu
sababay khasaare lixaadle kaasi oo gooba badan oo ay
fadhiisin ku la haayeen Ciidamada Maamulka Puntland lagala
wareegay, waxa kale oo Ciidanka Puntland gacanta lagaga
dhigay Baabuur Dagaal.
Laba Baabuur
ayaa Gacanta lagaga dhigay ciidanka Puntland ayaa waxay
ahaayeen nooca loo adeegsado Dagaalka kuwaasi oo mid ka mid
ah uu ku xidhanaan Qori
Dhamaan
goobaha Ganacsiga ayaa la xidhay iyada oo aaney jirin wax
Bakhaaro ah oo furan,dadka qaar ayaa ka soo barakacay
Xaafada Biyo Kulule oo ah Goobta uu Dagaalkaasi ka dhacay,
Boqolaal Qoys ayaa arkaysaa oo Madaxa ku sita Alaabtoodii si
ay ugu hayaamaan goob Amaan ah ay ku bad baadi karaan.
Baabuurta
gacanta lagaga dhigay Maamulka Puntland ayaa haatan waxay
yaaliin Goobihii uu dagaalku dhacay,waxana Gubay Shacab
Cadhaysan oo aad uga soo horjeeda Maamulka Puntland
siyaasadiisa, sida aad sawirka ku arkataan Baabuurkaas ayaa
waxa lagu garaacay Dhagaxaan isaga oo dhinaca Dhulka loo
dhigay Markii danbe Dab la qabadsiiyay.
Suuqa Bacadla
ha ee magaalada Bosaaso ayaa gabi ahaanba xidhan waana suuqa
ugu wayn Magaalada Bosaaso,dadka inta badan waxay cabsi
xoogan ka qabeen inay haleesho xabad wiif ah.
Kumanaan ruux
dad kur u dhaafaya ayaa isa soo dhoobay goobihii uu Dagaalku
ka dhacay kuwaasi oo shucuurtooda ay ka muuqatay sida ay uga
xun yihiin qaabka ay wax u wadaan ciidamada Puntland oo
iyagu had iyo jeer rasaasta dadku kusoo ridayay.
Dadkaasi
waxay xidheen wadooyinka dhamaan goobahasi soo gala iyaga oo
qubay dhagaxaan waa wayn si ay u joo jiyaan Ciidamada
Puntland.
Dhamaan Isu
socodka Gaadiidka iyo dad waynaha ayaa waxa ku yimi hakad
kuwaasi oo dhamaanba ay wadooyinku ahaayeen kuwa Cidla ah oo
aan cidi joogin, Jidka dheer ee aada Ceelka Biyo Kulule
ayaa ahaa mid gabi ahaanba xidhan.
Wararka oo
gadaal hataan naga soo gaadhayaa ayaa tibaaxa in Maamulka
Puntland uu jeelka dhigay laba Nabadoon oo caan ah kuwaasi
oo la sheegay inay isku hayb yihiin Dhalinta Saaka uu
Dagaalku dhex maray Ciidamada Puntland.
Labadan
Nabadoon ayaa waxa lagu kala magcaabaa Nabadoon C/ Salaan
Yuusuf iyo Shiikh C/ Laahi Cabdi Cumar, waxana ay hadaan ku
jiraan Xabsiga dhexe ee Magaalada Bosaaso.
Xaalada ayaa
ah mid Degan laakiin waxa laga cabsi qabaa in Mar labaad uu
Dagaal Qarxo marka loo eego isu hub uruursiga labada dhinac.
Xigasho:
Laasqoray
webmaster@ceegaag.com |