Gudoomiyaha Baarlamaanka oo
kulan kula qaatay Magaalada Baydhabo Danjiraha Dowladda
Kenya ee Somalia.
(Baydhabo,
January, 08 2008 Ceegaag
Online)
Gudoomiyaha baarlamanka ahna kusimaha Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta
xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafuud
ka socotay Dowlada Kenya kuwaasi oo uu horkacayay Safiirka
Kenya ay u soo magacawday Soomaaliya Mr Jemis Mokumbi.
Kulanka qaabilada wafuudani oo sidoo kale uu goob joog ka
ahaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur
Cade) ayaa waxaa Kusimaha Madaxeynaha Sheekh Aadan Madoobe
lagu gudoonsiiyay dhambaal tahniyad ah oo uu soo diray
Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki taas oo laxiriirtay
Sanadka cusub iyo Xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya
dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo sidii loo sii
hormarinlahaa saaxibtinimada labada dal.
Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Jemis Mokumbi oo ay
safarkiisa ku wehliyeen xubin ka tirsan wasaarada arimaha
dibada Kenya iyo xubin kale oo kasocatay Safaarada Kenya
ayaa waxa uu madaxda u sharaxay marxaladihii ugu dambeeyay
ee dalka Kenya iyo sida dowlada Kenya ay marwalba u
garabtaagantahay dowlada Soomaaliya.
Gudoomiyaha baarlamanka ahna siihayaha xilka Madaxweynaha Md
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal ka jeediyay
kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay xiriirka wacan ee
marwalba ka dhexeeya dowlada Kenya iyo Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |