shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hogaamiyaha Xisbiga ANC Jacob Zuma oo kumaan kun oo tageerayashiisa kula hadlayay Magaalada Pretoria‏.

(Johannesburg, January 13, 2008 Ceegaag Online)  

Tan iyo intii loo doortay Hogaaminta xisbiga ANC ee dalka Koonfur Africa, Jacob.Zuma ayaa markii ugu horeysay tageerayashiisa kula hadlay Magaalo madaxda wadankan koonfur Afrika ee Pretoria.

Jacob Zuma oo ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha Siyaasada dalka iyo tan xisbigaba ANC ayaa tageerayashiisa uu sheegay in uusan wax dambi ah ka galin dalka, balse ay bunbuuninayaan qolo dano gaar leh in aan ku lug leeyahay wax isdaba mariin.

Zuma oo ku guulaystay hogaamiinta xisbiga ugu awooda badan wadankan koonfur Africa ee ANC, ayaa in muddo ahba lagu haystay musuq-maasuq iyo wax isdaba mariin iyadoo wax dambi ahna lagu heliin tan iyo intii lagu soo oogay dacwada lagu haysto,

Jacob Zumaoo ah 62 jir ah ayaa ka soo qeyb qataay halgankii Xornimo doonka ee dalkan koonfur Africa ayaa ah ninka ugu taageerada badan wadankan koonfur Africa, marka laga reebo Madaxweynihii ugu horeyaay ee Madow ee dalkan koonfur Africa Taladiisa qabta Nelson Mandela.

Mr Zuma ayaa xilal kala duban ka soo qabtay Dowladii Nelson Mandela iyo tan iminka uu hogaamiyo Thabo Mbeki oo uu ka gaaray darajada Madax-weyne ku xigeenka wadankan koonfur Africa, ka hor inta aan lagu soo oogin Dacwado la xiriira Kufsi iyo Musuq maasuq.

Hassan yeey,

Johannesburg South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com