Inka badan
16-qof oo tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku geeriyooday
biyaha badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Yemen.
(Yemen, January
22,
2008 Ceegaag Online)
Inka badan
16-qof oo tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku geeriyooday
biyaha badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo
Yemen,
kadib markii ay la qalibmatay dooni ay saarnaayeen dadkaasi.
Meydadka 11-qof oo kamid ah dadkaas ayaa la helay kadib
markii ay ku soo caariyeen xeebaha dalka
Yemen,
iyadoo la la' yahay meydadka illaa 5-qof oo ku dhintay badda,
waxaa sidoo kale aan weli dhimasho iyo nolol lagu heynin hal
qof oo kamid ahaa tahriibyaasha Soomaalida ah ee ay la
qalibmatay doonidii ay saarnaayeen.
Doonida qalibmatay ayaa waxaa saarnaa tiro dad ah oo aan
weli rasmi ahaan la ogeyn inta ay ahaayeen kuwaas oo doonidu
ay kala shiraacatay xeebaha gobolka Bari.
Tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa badanaa
ku naf waaya biyaha u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo
Yemen,
iyadoo dadka tahriibayaasha ah ay badankood ka cararayaan
xaaladaha dagaal ee ka aloosan dalka Soomaaliya.
Axmed Aadan
Ceegaag.com
Muqdisho
Somalia
webmaster@ceegaag.com |