Isqab-qabsi
dhinaca lacagaha ah ayaa ka taaggan degmada Jowhar oo xarun
u ah Gobolka Sh. dhexe
(Jowhar, January
24,
2008 Ceegaag Online)
Isqab-qabsigaan ayaa yimid kadib markii Ganacsatada ku
dhaqan Magaalada Jowhar ay diideen in ay wax ku iibsadaan
lacagta duugga ah iyo kuwa jeex-jeexan.
Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ee uu Gudoomiyaha u yahay
Maxamed Cumar Deelle ayaa ku amray ganacsatada in talaabo
sharciga waafaqsan laga qaadi doono haddii ay diidaan
qaadashada lacagahaas.
Ganacsatada ayaa ku andacoonaya in maamulka qudhiisa uu ka
biyo diidayo qaadashada lacagahaas marka canshuurta laga
qaadayo ganacsatada wax kuu iibisa Magaalada Jowhar ee
xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.
Waa markii ugu horeysay ee magaalada Jowhar ganacsatada ku
dhaqan ay ka biyo diidaan qaadashada lacagaha duugga ah iyo
kuwa jeexjeexan.
Xafiiska
Wararka ee Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan
Ibraahim
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |