Jandayi Frazer oo ka hadashay
Arrimaha Somalia.
(Somalia,
January, 09 2008 Ceegaag
Online)
Kaaliyaha
xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan
Arrimaha Afrika Jandayi Frazer oo ku sugan Magaalada Nairobi
ayaa maanta ka hadashay arrimaha Somalia, iyadoo sheegtay in
Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay tixgelin siiso
kooxaha mucaaradka ah.
"Mucaaradka
kazoo horjeeda Dolwadda Federaalka waxay xaq u leeyihiin
inay fikraddooda soo bandhigaan ayna ka qaybqaataan geeddi
socodka nabadda ee Somalia" ayay tiri Frazer oo sheegtay
inay soo jeedinayso in mucaaradka iyo Dowladda Federaalka
Somalia ay ku wadahadlaan gudaha dalka.
Kaaliyaha
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka Jandayi Frazer,
waxay sidoo kale sheegtay in Dowladda Federaalka Somalia
laga doonayo inay ka qayb galiso Xukuumada Kooxaha
mucaaradka ee aan xagjirka ahayn si meesha looga saaro
dagaalada ka dhaca gudaha Somalia ee ay ku dalbanayan
mucaaradka inay qayb ka noqdaan hoggaanka Somalia.
Hadalka
Farazer, ayaa ku soo beegmay iyadoo Ra'iisul Wasaraha
Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu shalay ka
dhawaajiyay in xukuumaddiisu ay waddo qorshayaal ay ku
doonayso inay wadahadallo kula furto mucaaradkeeda meel
walba oo ay joogaan.
Sidoo kale
Frazer, waxay ka hadashay nabad ilaaliyeyaasha Afrikaanka ah
ee ku sugan Gudaha Wadanka Somalia iyo kuwa lagu wado in
hadda la geeyo, waxayna sheegtay in sababta dib u dhigtay in
la dhameystiro ciidamada AMISOM ay tahay kharash la'aan
haysata wadamada ka qeyb qaadan lahaa Howlaha Nabad
ilaalinta ee Somalia.
Jandayi
Frazer ayaa waxay dhowr jeer oo ay ka hadashay arrimaha
Somalia sheegtay in dhibaatada ugu weyn tahay mucaaradka oo
diidan inay la heshiiyaan Dowladda Federaalka, isla markaan
kooxaha qaar yihiin xag jir ah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |