Jendayi Frazer "Xukuumadda
Nuur Cadde, Tallaa-booyin muhiim ah ayay qaaday, waana in la
taageeraa" .
(Addis Ababa,
January 31,
2008 Ceegaag Online)
Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda Maraykanka, Jendayi
Frazer, oo ka mid ahayd shir guddoonka kulan ay kooxda
xiriirka Soomaaliya ku yeesheen xarunta Midowga Africa
maanta, ayaa sheegtay in kulankooda uu muhiim yahay maadaama
ay ka socdaan Soomaaliya isbadalo xal lagu gaari karo.
Jendayi
Frazer waxa ay sheegtay in kullankooda shirka midowga Africa
uu saamixi doono in ciidamo dheeraad ah oo ka socda midowga
Africa la geeyo Soomaaliya.
Jendayi
Frazer waxa ay tiri maahan oo keliya in shirka kooxda
xiriirka soomaaliya uu shirkooda uu muhiim u yahay oo kaliya
ee waxaa kaloo muhiim u yahay, iyadoo horumar wanaagsan uu
ka jiro Soomaaliya sida magacaabidda Ra'iisul Wasaare Nuur
Xassan Xuseen iyo magacaabidda golihiisa cusub.
Waxa ay
intaa raacisay in arinta ugu muhiimsan ay tahay arrinta
nabadgalyada, guutada ciidamada Burundi ee la geeyay
Soomaaliya, oo tirada ciidamada Amison ka jooga Soomaaliya
oo ahaa 1500 gaarsiiyay ilaa laba kun iyo shan boqol.
Jendayi waxa ay sheegtay inay eegayaan oo rajaynaynaan in
kulanka midowga Africa ay jiri doonaan wadamo hor leh oo
lagu biiriyo ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |