Khasnad
Caafimaad oo lagu magacaabo Shaaha Cagaaran
(Somalia, January
15,
2008 Ceegaag Online)
Sideedaba
sida aynu ka daalacanay Reports badan oo Caafimaadka la
xidhiidha beryahan dambe waxaa la ogaaday in Shaahu guud
ahaan leeyahay faa'iidooyin aad u fara badan oo daruuri u ah
Jidhka Bini Aadamka taas oo ka gedisan Reports kii hore oo
lagu sheegi jiray in Shaahu wax yeelo u leeyahay Jidhka Bani
Aadamka
Saddex ama Afar Koob oo
Shaah ah Maalin walba ayaa waxa ku sugan faa'iidooyin fara
badan
Waxay yidhaahdeen Khubaro Britain ah oo baadhitaan ku
samayay Caleenta Shaaha inaad cabto Saddex ama Afar Koob oo
Shaah ah Maalin walba ama ka badan waxay u keenaysaa
Nafta isla faa'iidada ay u keento
inuu Qofku cabo Qadara badan oo Biya ah iyo weliba
faa'iidooyin kale sida inuu ka ilaaliyo Jidhka dhibta Wadna
Istaaga (Heart Attack)iyo qaar ka mid ah noocyada
Kudka(Cancer),Baadhitaankan waxaa lagu beeniyay Ictiqaad
hore oo aad loo aaminsanaa oo ah in Shaahu uu keeno in uu
hoos u dhaco Dheecaanka (Liquid) ka Jidka ku jira
Waxayna u arkaan Culimadu in Maadad ku jirta Caleenta Shaaha
ee Flavonids uu yahay Masuulka aasaasiga ah ee
faa'iidooyinka Caafimaad ee uu leeyahay,waxa kaloo ku jira
Caleenta Shaaha Madooyin kale uu Baadhitaanku cadayay in ay
ka qayb qaataan ka ilaalinta Cells ka Jidka inuu
telfo,waxayna ka heleen Kooxdan Baadhayaasha ahi daliila
Cilmi ah oo cad in cabitaanka Saddex ama Afar Koob oo Shaah
ah Maalin walba ay tahay suura gal in ay yarayso Suura galka
ah inuu Qofku qaado Wadna xanuun keena Wadnaha oo istaaga
Waxay kaloo tilmaamtay Diraasadanu in cabtaanka Shaahu uu
yarayo fursadaha ah in Qofku qaado Xanuunka Kudka (Cancer)hase
yeeshee arintan iyaduna wanaagsan ee Shaahu leeyahay way ka
yara daliil yartahay Cilmi ahaan arinta hore ee Wadna
Xanuunka
Dhakhtarad u Madax ahayd Kooxda baadhitaankan samaysay baa
waxay tidhi cabitaanka Shaahu waa ka mudan yahay cabitaanka
Biyaha waayo Biyuhu waxay kordhiyaan oo bedelaan Dheecaanka
(Liquids)Jidka Shaahuna sidoo kale ayuu u bedelaa Dheecaanka
Jidka wuxuuna dheer yahay faa'iidooyinka aan soo xusnay
Waxayna diiday Dhakhtaradu Fikradii hore aadka loogu haystay
ee ahayd inuu Shaahu qalajiyo Jidka,waxayna tidhi Dirasado
lagu samayay Maadada Coffayin waxay muujisay in hadii la
cabo Qadar aad u badan oo iyada ah uu yaraynaayo Dheecaanka
Jidka hase yeeshee waxay u aragtaa in aan taas ku dabaqmayn
cabitaanka Saddex ama Afar Koob oo Shaah ah.
waxana tilmaam mudan in Diraasado hore cadayeen in Shaahu
Carqaladayo nuugista Jidka ee Iron ka markaa taas waxa weeye
macnaheedu in Dadka qaba Xanuunka Anemia ha ay ka fogaadaan
cabida Shaaha markay Cuntada cunaan dabadeed si toos ah
Shaaha Cagaaran
Iyada oo Shaahu guud ahaan uu leeyahay faa'iidooyinka aan
soo xusnay ayaa hadana waxa lagu tilmaamay noocan cagaaran
Khasnad Caafimaad faa'iidooyinka balaadhan ee uu leeyahay
awgeed.
Waxa lagu ogaaday Diraasado Cilmi baadhis cusub ah dhowaan
in Shaaha cagaarani leeyahay faa'iidooyin wayn oo ilaalinaya
Caafimaadka waxaana ka mid ah kuwan:
1-Shaaha cagaaran wuxuu saacidaa in ay yaraato heerka
Protien ka Xaydha ah ee loo yaqaano Cholestrol ka ee xun
markaas wuxuu kaa ilaaliyaa inaad qaado Xanuunada Wadnaha
iyo Sanbabada
2-wuxuu aad hodon ugu yahay Maadadaha ka ilaaliya Jidhka
Xanuunada guud ahaan
3-mida ugu xooga badan Maadadahaa oo loo yaqaano EGCG taas
oo ka caawisa Jidhka inuu iska ilaaliyo wax yeelada kaga
imanaysa Shucaaca Qoraxda iyo noocya kala gedisan oo ka mid
ah Kudka (Cancer)
4-wuxuu kale oo ka ilaaliyaa Jidhka hadii la mariyo Dubka
Dildilaaca iyo inay kala qaybsanto Cells ka aan caadiga
ahayn kaas oo soo baxa sababta Kulka Qoraxda ee dhibta leh
5-wuxuu midab u yeelaa Ilkaha hase yeeshee wuxuu ka
ilaaliyaa Suuska waayo waxa ku jira Maadada la yidhaahdo
Floride wuxuuna ilaaliyaa Ciridka wuxuuna la dagaalama
Becteria da dhibta leh iyo weliba wuxuu la dagaalamaa urta
neefsiga ee la karahsado
6-wuxuu wanaajiyaa shaqada Kelyaha wuxuu ka ilaaliyaa
Fashilka Kelyaha wuxuuna nadaamiyaa Dhaqdhaqaaqa Caloosha
7-wuxuu ka ilaaliyaa Maskaxda shooga wuxuuna hagaajiyaa
Xusuusta iyo u Fiirsiga iyo Garashada
8-wuxuu la dagaalamaa inay Sonkortu kor u kacdo wuxuuna kaa
caawiyaa dhimista Miisaanka hadaad cabtid Cuntada dabadeeda
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa soo ururiyay oo soo guuriyay:
Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |