shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda Al Shabaab oo iska fogeysay dilkii dhawaan Magaalada Baydhabo looga geystay Hogaamiye Diimeed.

(Somalia, January 14, 2008 Ceegaag Online)  

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Abuu Mansuur, ayaa hadal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu si weyn uga xunyahay dilkii loo geystay afhayeenkii Ahlu suna waljamaaca Sh. C/laahi Baalbaalow, isagoo sheegay inuu tacsi udirayo eheladii uu ka geeriyooday.

Afhayeenka Al Shabaab waxa uu sheegay inuusan qiyaasi Karin ciddii ka dambeysay dilka Wadaadkaas balse sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyeen kooxo Islaamka diidan.

Dhinaca kale Abuu Mansuur waxaa uu qirtay in kooxdiisa Shabaab ka dambeeyeen dilkii maalintii Jimcihii bartamaha Magaalada Baydhabo looga geystay askari ka tirsan Ciidamada dalka Itoobiya.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegtay inuu ku sugan yahay duleedka Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo,ayaa goobaha ganacsiga xalay fiidkii xili hore albaabada loo xidhay iyadoo la arkayey dadka oo guryahooda ku xaroonaya xili fiid ah, waxaana istaagay dhaqdhaqaaqa baabuurta ay shacabku wataan, askarta booliska ayaa lagu arkayey iyagoo wadooyinka isku dhaafdhaafaya dadkana ku amraya inay guryahooda aadaan.

Maalmihii udambeeyey ayaa Magaalada Baydhabo waxa ay cagaha-darsatay mushkilado is daba joog ah iyadoona la ciirciiraysa haatan Ciidamo fara badan oo isugu jira Boolis iyo Melateri iyo weliba ciidamada itoobiyaanka, kuwaas oo magaalada kawada hawlgalo kala duwan, iyagoo sidoo kale baaraya dadka ay uga shakisanyihiiin, falalka amni xumada ah ee ka dhaca Gudaha magaalada Baydhabo.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com