shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxo burcad ah ayaa ganacsade Soomaali ah ku dilay tuulo la yiraahdo Strand oo ku dhow magaalada Cape Town ee dalka K/Afrika.

(Koonfurta Afrika, January 22, 2008 Ceegaag Online)  


Kooxaha dilka geystay ayaa la xaqiijiyey in ay u dheceen dukaan ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah halkaas oo ay ku toogteen mid kamid ah ganacsatadii Soomaaliyeed ee iibinayey dukaanka kadib markii ay tacshiirad ay huwiyeen ay ka haleeshay madaxa.

Ganacsadaha Soomaaliyeed ee kooxaha hubeysan ay dileen ayaa lagu magacaabi jiray Alla ha u naxariistee Maxamed Cali Dhakool kaas oo da'diisu ay aheyd 27-sano jir, sida uu shegay Cali Cismaan Guuleed oo ay goob ka wada shaqeyn jireen marxuumka la dilay.

Dilka ka sokow ayey kooxihii hubeysnaa waxa ay dhac baahsan u geysteen dukaankii uu iibinayey marxuumka halkaas oo ay ka qaateen hanti u badan lacago iyo taleefanada qaali ah.

Isbuucii hore gudihiisa ayey aheyd markii sidaan oo kale kooxo hubeysan ay weerareen dukaan ay lahaayen ganacsato Soomaali ah halkaas oo ay ka falal isugu jir dhimasho, dhaawac iyo boob hantiyeed.

Soomaali badan ayaa lagu dilay gudaha dalka k/Afrika, iyadoo aaney illaa iyo hadda jirin mas'uuliyiin kamid ah madaxda dalkaas oo ka hadashay dilalka joogtada ah ee loo geesto dadka Soomaalida ah.


Axmed Aadan
Xafiiska wararka Muqdisho,  Somalia

  

webmaster@ceegaag.com