Kooxo dabley ah
oo markab Kaluumeysi ku afduubtay xeebaha maamul Goboleedka
Puntland.
(Eyl, January 27,
2008 Ceegaag Online)
Kooxahaan
ayaa la xaqiijiyey in ay markabka ku heystaan xeebta degmada
Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal,
Guddoomiyaha
degmada Eyl C/laahi Siciid ayaa warbaahinta u sheegay in
kooxo burcad ah ay afduub ugu heystaan markab xeebaha
deegaankaas, isagoo intaa raaciyey in ay arintaas la
socodsiiyeen maamulka Puntland oo ay jawaab ka sugayaan.
Wuxuu intaa
raaciyey in aanu jirin wax wada hadal ah oo illaa iyo hadda
uu la galay kooxaha afduubtay markabka ee xeebaha
deegaankaas qafaalka ugu heysta.
Markabka ay
kooxaha hubeysan qafaasheen ayaa la sheegay in laga leeyahay
dalka Cumaan, isla markaana uu yahay markab kaluumeysi ayna
saaran yihiin shaqaalihii markabkaas oo tiradooda lagu
sheegay 8-qof oo 5 ay u dhalatay dalka
Indonesia halka seddexda
kalena ay yihiin Soomaali.
Maamulka
Puntlanad illaa iyo hadda ma soo saarin war rasmi ah oo la
xiriira afduubka ay kooxaha dableyda ah u geysteen markabka,
iyo haddii ay wada hadalo la galayaan kooxaha afduubtay
markabka si loo sii daayo.
Dabayaaqadii
sanadkii tagay ayey aheyd markii kooxo hubeysan markab ka
afduubteen Badweynta Indian Ocean iyadoo muddo kadib lagu
guuleystay in gacanta kooxahaas laga sii daayo markabka.
Xafiiska Wararka Ceegaag
Online Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |