shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

kooxo hubeysan ayaa nin darawal ah waxa ay ku dil-een degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

(Dhoobley, January 24, 2008 Ceegaag Online)  

Dilka ninkaan ayaa yimid kadib markii kooxahaasi hubeysan ay tacshiirad huwiyeen gaari qaad siday oo uu waday ninka dhintay.

Kooxihii falka dilka ah geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo ciidamada amaanka ee degmadaas ay ku raad joogaan kooxaha dilka geystay.

Maamulka degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan dableydii dilka geysatay si sharciga loo mariyo.

Waa qofkii 3-aad ee wax ka yar mudo bil gudaheed ay kooxo dabley ah qof ku toogtaan bartamaha degmada Dhoobley, iyadoo dil kan ka horeeyey ay kooxo hubeysan sidan oo kale u geysteen nin darawal ah.

Xafiiska Wararka ee Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

Ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com