shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Koronto la'aan weyn oo saameysay Wadanka Koon-fur Africa muddo Todabaad ah.

(Johannesburg, January 21, 2008 Ceegaag Online)  

Wadanka Koonfur Africa ayaa waxaa hareeyay muddo todobaad gudihiis ah koronto la’aan xoogan oo saameyn weyn ku yalaatay dhaq-dhaqaaqii guud ahaan wadanka Koonfur Africa.

Koronto La’aantan xoogan ayaan waligeed horay usoo marin wadanka Koonfur Africa iyadoo shirkada lagu magacaabo Eskom ee guud ahaan dalkan Koonfur Africa, korontada siisa lagu eedeeyay in ay ku guul dareesatey in muddo todobaad ah ay korontada ka maqnaato guud ahaan wadanka taas oo niyad jab ku riday Shacabka wadankan Koonfur Afrika.

Mas’uuliyiinta Shirkada Eskom ayaa iyaguna eedaasii iska fogeeyaay iyagoo sheegay in ay cilad xoogan ay soo wajahday shirkada, dhinaca kale dad ka careysan maqnaashaha korontada ayaa falal kala duwan ka geystay Magaalooyinka waa weyn ee kala ah Pretoria, Johannesburg, Cape town iyo  Durban.

Madaxweynaha talada dalkan Koonfur Afrika haya  Thabo Mbeki ayaa ka hadlay maqnaashaha Koronta dalka, isagoo sheegay in uu lugta la galay wadanka khasaarooyin baaxad weyn oo aan abid soo marin dalka tan iyo intii ay Dadka madow ee u dhashay dalkan Koonfur Africa ay talada dalka kala wareegeen cadaankii ka ariminjiray sanadku markuu ahaa 1994.

Hadaba korontada ayaa maanta si caadi ah uu joogto guud ahaan wadanka Koonfur Africa, wallow aysan cago badan ku tagnin koronta oo aan wali laga xaqiijin in ay ku soo noqotey sidii caadiga ahayd.

Xafiiska Ceegaag.com ee Magaalada Johannesburg

Hassan yeey,

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com