Labo qof oo mid
uu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku
geeriyooday qarax miino oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, January 26,
2008 Ceegaag Online)
Qaraxaan
oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday
kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen wafdi ajaanib ah oo
marayey shineemo Ceel-gaab, waxaana qaraxa uu haleelay sida
la sheegay mid kamid ah gawaari ay saarnaayeen ciidamada
dowladda.
Mid kamid ah askarta ciidamada dowladda Federaalka iyo qof
rayid ah ayaa halkaasi ku geeriyooday kadib markii uu qaraxu
haleelay.
Ilaa 4-qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa kuwaas oo dhaawacooda
la dhigay isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana
la sheegay in qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaas ay
xaaladooda caafimaad aad u liidato.
Goobta Qaraxaaasi ka dhacay ayaa waxaa isku fidiyey
ciidamada dowladda oo in muddo ah hakiyey dhaq-dhaqaaqii
dadka iyo isu socodka gaadiidka, waxaana warar aan weli la
xaqiijin ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay dad u
qab-qabteen qaraxaas.
Xaaladda goobihii uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan,
waxaana dib u bilowday dhaq-dhaqaaqii ganacsiga iyo isu
socodka dadka.
Ma ahan markii ugu horeysay ee qarax lala beegsado gawaari
ay saaran yihiin ciidamada dowladda.
Xafiiska
Wararka ee Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan
Ibraahim
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |