shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Labo ruux oo ku geeriyooday gaari Bus ah oo miino ay kula kacday  Degmada Yaaqshiid.

(Muqdisho, January 15, 2008 Ceegaag Online)  

Ilaa labo ruux oo rayid ah ayaa ku naf waayey tiro ku dhow illaa tobaneeyana wey ku dhaawacmeen ka dib markii gaari Bus ah oo dadkaasi ay la socdeen ay miino kula kacday duhurnimadii maanta isgoyska afarta jardiino oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid u muuqday miino halkaasi ku aasneyd ayaa yimid ka dib markii gaarigaasi Mini-Baska ah oo ka mid ah kuwa dadweynaha ee halkaasi ka shaqeeya uu dulmaray miinadaasi, iyadoo daryanka qaraxaasina laga maqlayey qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labada ruux ee geeriyooday ay midkood aheyd haweeney ka mid aheyd rakaabkii saarnaa gaarigaasi oo la garan waayey cid aqoonsata taasoo meydkeedana la dhigay isbitaalka Keysaney ee kuyaala duleedka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cisbitaalkaasi Keysaney ayaa waxaa la gaarsiiyey illaa 6 ruux oo ka mid ahaa dadkii qaraxaasi miino ku dhaawacmay oo sidoo kale ay ku jirtay haweeney labadeeda lugood ku weysay halkaasi, mana cadda illaa hadda cida qaraxaasi ka dambeysay ee meesha gelisay, iyadoo aysan jirin warar ka soo baxay Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda oo kula dagaalamaya Magaalada oo ku saabsan qaraxaasi ay dadka rayid ah ku waxyeeloobeen.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com