Maamulka
gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay hay'adaha Qaramada midoobay
gaar ahaan kuwa samafalka in ay gar-gaar la soo gaaraan
dadka ka barakacay magaalada Muqdisho.
(Muqdisho,
January 22,
2008 Ceegaag Online)
Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo kamid ah ku
xigeenada guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay kadib
kulan ay la qaateen madax ka socotay hay'adaha Q.M. in ay
kala hadleen qaabkii kaalmooyin bini'aadanimo loo gaarsiin
lahaa dadka barakacay ee ku sugna duleedka magaalada
Muqdisho.
Dhagaxtuur waxa uu sheegay in madaxdii ka socotay UN-ka ee
ay kulanka la qaateen ay isku afgarteen in la gar-gaaro
dadka barakacay, isagoo intaa raaciyey in sidoo kale
kulankaas looga hadlay qaabkii loo soo dhameystiri lahaa
ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee ka howlgalaya
dalka Soomaaliya.
Wuxuu intaas raaciyey in hay'adaha Q.M. ay hadda diyaar u
yihiin in ay wax weyn ka qabtaan xaaladaha ka jira dalka
Soomaaliya, isagoo xusay in kulankaas ay labada dhinac si
fiican isugu afgarteen waxyaabihii ay kawada hadleen.
Madax ka socotay UN-ka ayaa maalmihii u dambeeyey socdaalo
ku marayey qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, iyagoo
ujeedka socdaalkoodana ku sheegay in ay sahminayaan
xaaladaha ka jira gudaha dalka Soomaaliya.
Axmed Aadan
Xafiiska wararka Muqdisho, Somalia
webmaster@ceegaag.com |