Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf ayaa saaka si kadis ah ugu duulay Magaalada Addis
Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia.
(Baydhabo,
January 04,
2008 Ceegaag Online)
Madxaweynaha
Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed
ayaa maanta si deg deg ah ugu duulay Magaalada Addis Ababa
ee Caasimada Dalka
Ethiopia
si uu halkaas ugu soo maro baaritaan Caafimaad.
Saaka
Aroortii ayay diyaarad xamuul ah waxa soo caga dhigatay
garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxay durbadiiba
qaaday Wafdi uu Hogaaminayay Madaxweyne C/llaahi yuusuf.
Wakaaladaha Wararka ayaa
siyaabo kala duwan ubaahiyay xaalada Madaxweynaha oo saaka
si kadis ahugu duulay Magaalada Addis Ababa inkastoo
Safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia uu carabka ku dhuftay in
uusan Madaxweynuhu baaritaan caafimaad u iman Dalka Itoobiya.
Wararaka qaar
ayaa sheegayo in Madaxweyne C/llaahi yuusuf uu isla maanta
ka duulay Magaalada Addis Ababa saacadaha soo socdana uu
gaari doono Magaalada London isagoona geli doono isbitaal
kuyaal wadanka Ingisriiska, dhawaan ayay ahayd markii uu
Madaxweynuhu kasoo laabata Isbitaalka London.
Madaxwayne C/laahi yuusuf ayaa ka mida dadka loo badalay
Beerka kuwooda ugu Cimriga dheer, ayaa lafilayaa inuu degdeg
ugu soo noqon doona dalka si loo sii amba qaado hawlaha
dawlada oo haatan maraya meel xasaasi ah
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |