Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed oo sheegay inuu markale isku soo taagidoono Jagada
Madaxweynaha ee dhicidoonta sanadka 2009-ka
(London,
January, 08 2008
Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda
Federaalka Kmg Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed oo arrimo
Caafimaadkiisa la xiriira u jooga Magaalada London ayaa
waxaa uu ka dhawaajiyay inuu isku soo taagidoono
Jagada Madaxtinimada Soomaaliya ee dhici doonta Sanadka 2009-ka marka uu dhamaado waqtiga
Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf ayaa sheegay
in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, isagoo sheegay
inuu damacsanyahay in markale uu isku soo taago Jagada
Madaxtinimada ee la qaban doono sanadka 2009-ka waxa uuna
carabka ku dhuftay inuusan jirin shaqsi ka mudan Xilka loo
tartamayo dadkuna ay dooran doonaan.
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf oo wareysi siiyay Idaacadaha gudaha Soomaaliya
qaarkood ayaa muujiyay waxqabnad fiican inuu qabtay tan iyo
markii la doortay "waa jiri karan dad i dhaliila laakiin
anigu nin ahaan waan isku kalsoonahay"ayuu yiri madaxwayne Yuusuf.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com |