Madaxweyne C//laahi
Yuusuf oo sheegay in uu si dag-dag ah Magaalada Muqdisho ugu
soo Laaban doono.
(London January
26,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed oo
Howlo Caafimaad wali u jooga Magaalada London ayaa mar kale
ku celiyay in Caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, isla
markaana si deg deg ah ugu laaban doono Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in marka la siiyo cadeynta
baaritaanka Caafimaadka uu Muqdisho tagi doono, wuxuuna
xusay inuu yahay wali mid howshiisa mid ka badan qaban kara
sida uu yiri.
"Adeer
Uma maleynayo in laga daalayo Howl Qaran, anigana waxaan
hayaa Howl Qaran, dhaar baan u maray, hadee Somaliya waxaan
ugu laabanayaa waa inaan sii wado howsheyda"ayuu yiri
Madaxweynaha oo hadalo kaftan ah ku hadlayay mar uu wareysi
siiyay Idaacada Codka Mareykanka ee VOA-da.
Waxa
uu sheegay in ay jiraan Kooxo buun buuniyay in
caafimaadkiisa uu liito, hase ahaatee waxa uu xusay in
kuwaasi ay yihiin kuwo Caafimaadkiisa aan dooneyn.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayay warbaahinta Caalamka
siyaabo kala duwan uga hadlayeen Caafimaadka Madaxweynaha,
kadib markii labo jeer uu ku noqday Magaalada London oo
aheyd halka uu joogo Dhakhtarkiisa gaarka ah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |