shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maanta soo gaaray Magaalada London ee dalka Ingiriska.

(London, January 06, 2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha dowlada kmg ah Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa manta soo gaaray Magaalada London ee dalka ingiriiska, iyadoona la sheegay in uu u tagay dhaqtarkiisa si loo hubiyo Caafimaadkiisa.

Madaxweynaha ayaa 7-da January balan kula leh Cisbitaal ku yaal London oo uu ku marayo baaritaan lagu ogaanayo natiijadii kasoo baxday daaweyntii iyo Baaritaankii loogu sameeyay London Bartamihii Bishii tagtay.

Madaxweynaha ayaa Saaka Aroortii hore ka dhoofey magaalada Addis-ababa ee xarunta Dalka Itoobiya oo uu ku sugnaa labo maalmood oo uu kulmo kula qaatay madaxda dalka Itoobiya iyo kuwa  Midowga Afrika.

Si kastaba ha'ahaatee Madaxweynaha ayaa todobaad ka hor ka soo tagay Magaalada London isagoo Baydhabo u aaday hawlo deg deg ahaa oo la xiriiray dhismaha Dowlada Cusub oo laba maalmood ka hor lagu dhisay magaalada Baydhabo.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com