Maleeshiyo
beeleed hubeysan ayaa maalintii 3-aad xanibay dhaq-dhaqaaqii
dekadda magaalada Kismaayo.
(Kismaayo,
January 24,
2008 Ceegaag Online)
Maalintii
3-aad ayaa waxaa xanibay howlihii dekadda magaalada Kismaayo
ee xarunta gobolka J/hoose, kadib markii ay wadada gasha
dhinaca dekadda ay jidgooyo dhigteen maleeshiyo beeleedyo
hubeysan.
Wararka laga helayo halkaas ayaa xaqiijinaya in maleeshiyada
jidgooyada dhigatay wadada aada marasada magaalada Kismaayo
ay salka ku heyso isqabqabsi siyaasadeed iyo muran dhinaca
lacagaha ah.
Xanibaadda ay maleeshiyadaas hubeysan ku sameeyeen
dhaq-dhaqaaqii dekadda Kismaayo ayaa waxa ay gudaha
magaalada ka abuurtay sicir barar xooggan, iyadoo sidoo kale
sicir bararkan uu sii xoogeystay kadib markii magaalada la
soo geliyey lacago been abuur ah.
Waxgaradka ku dhaqan magaalada ayaa wada dadaalo ay ku
qaadayaan jidgooyada, iyadoo wada hadalo arintaas looga gol
leeyahay ay ka socdaan bartamaha magaalada Kismaayo.
Maleeshiyo beeleedyo hubeysan ayaa muddo dhowr jeer ah
xanibay dhaq-dhaqaqa dekadda Magaalada Kismaayo markii ay
jidgooyooyin dhigteen waddooyinka muhiimka ah ee galada
dekadda.
Xafiiska
Wararka ee Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan
Ibraahim
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |