Mareykanka
Oo Gaashanka u daruurtay Aqoonsi ay siiso Maamulka
Somaliland.
(Washington
January 18,
2008 Ceegaag Online)
Dowalada
Mareykanka ayaa sheegtay in aysan aqoosi buuxa siinayn
xiligan maamulka la magac baxay Somaliland oo ilaa iyo 1991
raadineeysay madaxbanaani ayna sheegtay in Somali inteeda
kale ay ka goday.
Kadib
booqasho uu ku tagay Magaalada Washington ee Xarunta wadanka
mareykanka Madaxweynaha Maamulka Somaliland Daahir Riyaale
Kaahin ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qatay madax sar
sare oo ka mida waaxda Amaanka wadankaasi iyo kaaliyaha
xoghaya arimaha dibada wadanka mareykanka u qaabilsan
Arimaha Africa haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer.
Kulankaasi kadib ayaa waxaa warbaahinta uga war bixiyay
Afhayeen u hadlayay Dowlada Mareykanka oo lagu magacaabo
Sean McCormack waxaana uu sheegay in kulanka ay la qaateen
Daahir Riyaale uunan aheyn mid lagu aqoonsanayo oo aqoonsi
buuxa lagu sinayo maamulkaasi.
Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray
Sean
McCormack in midowga Africa looga baahan yahay in uu
daraaseeyo qaabka loo siin lahaa aqoonsi buuxa kadibna laga
yaabo in mareykanka uu u aqoonsado maamulkaasi mid ka madax
banaan Somali inteeda kale.
Daahir Riyaale Kaahin ayaa waxaa uu wadamo uu Mareykanka ka
mid yahay u tagay baadi goob la xiriira aqoonsi la siiyo
maamulka uu hor kacyo ee Somaliland.
Arimahani ka
soo If baxay Dowladda Mareykanka ayaa waxaa uu ku beegmayaa
xili dibad bax lagu taageerayo gooni isu taaga Maamulka
Somaliland uu shalay hareeyay magaaloyinka hoos taga dhulka
uu ka arimiyo maamulkaasi.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |