Mudaharaadyo
rabshado wata oo maanta ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo kadib
sixir barar baahsan oo Magaaladaas kajira.
(Gaalkacayo,
January 16,
2008 Ceegaag Online)
Magaaalada
Gaalkacyo ayaa maanta waxaa ka dhacay mudaharaad aad uweyn iyadoo
dadwayne kumanaan gaaraya oo si aad ah u caraysan ay ka qayb
galeen, dadweynaha ayaa ku qamaamay suuqa wayn ee bartamaha
Magaalada Gaalkacyo iyadoo baabi'in ku bilaabeen hantidii
suuqaasi warnayd oo ay dadku ka ganacsanayeen.
Ciidamada
Ammaanka Magaalada ayaa Rasaas ku kala kaxeeyay dadkii ka
qaybqaadanayay Mudahaaraadkas Rabshadaha wata,
iyadoo dadkii Mudaaharaadka dhigayay ay magaaladda oo dhan
ka dhigeen goob aan xasiloonayn.
Waxaa
magaalada lagu gubay taayiro iyadoo dadweynuhuna ay ku
dhawaaqayeen halku dhigyo ka dhan ah maamul Goboleedka
Puntland oo ay sheegeen inuu dhiiga umadda miirtay isaguna
uu masuul ka yahay sixir Bararka wadanka ka aloosan.
Majirin
maanta goob si caadi ah u shaqaynaysa waxaa inta badan
magaalada ay u muuqataa mid aan cidina marayn iyadoo aad
arkayso dad qoryo la taag taagan meheradohooda hortooda
kuwaasoo ilaalsanaya si aan tuukadu ugu soo dhexgaban dadka
mudaharaadaya.
Ilaa iyo
iminka lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay
Mudaharaadyadaasi inkastoo la baab’iyay goobo badan oo
ganacsi ah.
Halkan
Hoose ka aqri Warbixin aanu shalay kaga hadalnay Sixir
bararka Baaxada weyn ee ka jira Magaalada Gaalkacayo..
http://www.ceegaag.com/Qoraalada/2008/Jan%202008/sicir_barar_aad_u_sareeya_oo_ka.htm
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |