shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nigeria oo Cutubkii Ugu Horeeyey ee Ciidankeeda usoo diraysa Wadanka Somalia.

(Abujja Nigeria, January 15, 2008 Ceegaag Online)  

Dowladda Nigeria oo ka mid ah Dowladaha Afrika ee Ciidamada Nabad-ilaalinta u ballan-qaaday dalka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadey inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo dirayso wadanka Soomaaliya ciidamo nabad ilaalin ah oo ka kooban 500 oo askari kuwaasi oo ka qayb noqon doona ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, sida uu qorshuhu yahay.

Agaasimaha waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidamada wadanka Nigeria Brig.-Gen. Solomon Giwa-Amu,ayaa ku nuuxnuuxsadey in ciidamdan Nigerian-ka ah ay diyaar u yihiin daqiiqad kasta in loo daabulo wadanka Soomaaliya, iyagoo ku hawlgalaya magaca AMISOM ee Ururka Midowga Afrika.

Giwa-Amu, ayaa isagoo ku sugan wadanka Liberia isla markaana ka mid ah ciidamada Nigeria ee qaybta ka ah ciidamada Qaramada Midoobey ee dalkaasi ku sugan ayaa maalinimadii Axada ah wuxuu saxafiyiinta u shaagey in hal batalyan oo ka mid ah ciidamada Nigeria ay diyaar u yihiin sidii loogu daabulo wadanka Soomaaliya.

Gen.Giwa Amu wuxuu farta ku fiiqey in 2,400 askari oo ka mid ah ciidamada Nigeria ay haatan ku sugan yihiin Gobolka Darfur ee wadanka Suudaan, iyagoo ku socda magaca hawlgalka UNIMIS ee Midowga Afrika, halka 2000 oo kale ay iyaguna hawlo nabad ilaalin ah ka wadaan Liberia, iiyagoo hoos taga hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee UNMIL.

Brig.-Gen. Solomon Giwa-Amu wuxuu xusey in ciidamada Nigeria ay gobolka ka wadaan 8 hawlgal oo ay UN-ka kagala qayb qaadanayaan hawlgalo nabad ilaalin ah oo laga fuliyo Gobolka gaar ahan wadamada Liberia, Sudan, Burundi, Galbeedka Saxara, Sierra Leone, Ivery Coust iyo Guinea.

Giwa-Amu ayaa tibaaxay in ciidaamda Nigeria ay u carbisan yihiin hawlaha nabad ilaalinta, balse ay hawshaasi caalamka ka kala leedahay wajiyo kala duwan.

"Hawsha nabad ilaalinta waxay askariga ka sameynaysaa in uu matalayo siyaasada wadanka Nigeria fulinteeda, waxayna taasi siinaysaa in uu aaminsan yahay in uu badbaadinayo nolol iyo hantida dadka kale ee aan u dhalan wadankiisa" ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Brig.-Gen. Solomon Giwa-Amu .

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com