shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nin Soomaali ah oo lagu dilay Wadanka Koonfur Africa.

                                               (Johannesburg, January, 08 2008 Ceegaag Online)   

Burcad hubeysan ayaa ka gesytay dhac iyo dil tuulo ka tirsan Magaalada Rustenburg ee Gobolka North West, burcadan hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa weerar ku soo qaday dukaan ku yaala tuulada Jabuulo oo ka tirsan tuulooyinka hoos yimada Magaalada Rustenburg.

Kooxdan hubeysan ayaa tacshiirad la eegtay Wiil Somali ah oo Magaciisu la oran jiray Ahmed Wahaab oo ahaa Mulkiililaha dukaanka, isagoo goobta ku naf-baxay halka dhaawacna ay ugesteen mid ka mid ahaa shaqaalaha dukaanka oo isna Soomaali ahaa,

Burcadan ayaa ka qaatay dukaanka wixii lacag ahaa ee dukaanka yaalay iyagoo dabadeed ku baxsaday gaari yaalay Albaabka dukaanka laga soo galo Booliska  Magaalada Rustenburg ayaa soo garay goobta Dilka iyo Dhaawaca loogu geystay Dhalinyarada Soomaaliyeed,iyagoo meydka u qaday Hospital-ka dadka meydadka la dhigo ee Magaalada Rustenberg,halka dhaawaca eey ula carareen hospital ku yaala isla magalada Rustenburg,

Booliska Magaalada Rustenburg ayaa wada dadaal lagu baadii goobayo burcadii falkaasii geystay, mahan markii ugu horeysay ee Magalada Rustenburg lagu dilo dhalinyaro Soomaaliyeed mudo iminka laga joogo bil ayay eheyd markii lagu dilay nin dhalinyaro soomaaliyeed tuulada krunkudhaal ee duleedka isla Magaalada Rustenburg,

Dhinaca kale magaalada Johannesburg ayaa waxaa soo garay todobadkii ugu dambeeyay dad garayaa ila 300 oo qofood oo iskugu jira dumar iyo rag iyo carruur oo soomaali ah oo soo caga dhigtay wadankan koonfur Africa,dadkan ayaa inta badan ka soo barakacay colaada ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya, iyagoo soo galay safar dheer ka dibna soo garay Magaalada Johannesburg dadkan badidooda ayaa ii sheegay in ay walaac ka muujiyeen imaatinkooda iyago oo taa sabab uga dhigay dilka joogtada ah ee lagu hayo- ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waddanka Koonfur Africa,

Hassan yeey

Johannesburg South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com