Ogaysiis:
Dhammaan dadka u dhashay gobolada SSC waxaa lala
socodsiinayaa...
(Lascaanood,
January 16,
2008 Ceegaag Online)
|
|
NUGAAL
UNIVERSITY
JAAMACADA NUGAAL |
Dhammaan
dadka u dhashay gobolada SSC waxaa lala socodsiinayaa in
mudo badan aanu ku hawlanayn tayeynta manhajka iyo
horumarinta Jaamacada Nugaal. Caqabadihii naga hor yimi wax
badan baanu ka gudubney, laakiin waxaanu isleenahay wax yar
baa idiin hadhay. Sidaas darteed waxaanu u baahanahay in
nala ka taageero arrin yar oo caqabad ku noqotay ardayda
dhigata Machadka Kombuyuutar Sayniska (Institute of
Mathematics and Computer Science).
Caqabadaasi waxay tahay in ardayda sanadka 1aad ee Computer
Science ku u baahan yihiin qalabka Networking ka si ay u
dabakhaan (make practice) isku xidhka mashiinada
(Networking).
Qalabka
Jaamacadu u baahan tahay waxaa ka mid ah:
·
40 Wireless Network Cards
·
5 Wireless Routers
·
5 Main Switches
·
6 Hub
Sidoo
kale waxaa cimrigeedii naga dhamaaday laambada Projector
Machine oo ubaahan in la bedelo. Projectorka waxaanu u
isticmaalaa lectures iyo barashada computerska, hadda nooma
shaqeeyo oo aad baanu u cadilanahay. Cidii naga caawinaysa
waa kan magaceedu: Multimedia Projector, Model PLC-XE20,
Replacement Lamp Type No: POA-LMP55 (Sony Machine).
Lacagta
ku baxaysa waxaanu ku qiyaasnay ilaa $2000 oo dollar, haddii
aan la helin qalabkaas koorsadu way ka baaqanaysaa xilligan.
Sidaas awgeed waxay ardayda Jaamacada Nugaal codsanayaan in
arrintooda il naxariiseed lagu eego si aan koorsadu uga
baaqan, isla markaana loo soo dedejiyo wixii loo qabanayo.
Qalabka waxaa laga soo gadayaa Dubai sidaas darteed waxaa
Lacagta lagu soo hagaajinayaa Suleiman Abdi Carab oo Dubai
jooga, telephone kiisuna yahay: 00971506512146.
Guddoomiyaha Guddiga Jaamacada
Nugaal
Cabdirashiid Jaamac Biixi
Professors:
Abdisalam Hussein
Abdunasir Mohamed Barre
Xoghayaha Jaamacada:
Isse Ibrahim Muse
Student Committees:
Mohamed Hassan Farah
Muhyadin Anbashe Elmi
Kalthum Ali Mohamed Karshe
Mohamoud Ali Bahnan
Farhia Warsame Ali
Abdirizak Mohamoud Hussein
Farhia Omar Hussein
webmaster@ceegaag.com |