Qarax ka
dhacay Magaalada Kismaayo oo ay ku dhinteen Saraakiil ka
tirsanaa Hay’adda MSF Spain.
(Kismaayo,
January 28,
2008 Ceegaag Online)
Qarax xooggan
oo goor dhaweyd ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo ayaa
waxaa ku geeriyooday Saraakiil ka tirsan Hay'adda
dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF
Spain.
Qaraxa oo
ahaa midka la hago ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen
saraakiisha ka tirsanaa Hay'adda MSF
Spain, iyadoo qaraxaasi ay
ku geeriyoodeen illaa 4-qof oo labo kamid ah ay ahaayeen
saraakiil ka socotay Hay'adda MSF
Spain halka labada kale ay kala ahaayeen qof Kenyati
ah iyo darawalkii gaariga oo ahaa Soomaali.
Gabi ahaanba
qaraxu waxa uu burburiyey gaariga, iyadoo aan illaa iyo
hadda la ogeyn cidda ka dambeysa iyo ujeedada laga
lahaa,.Xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada
Hoose ayaa hadda aad u kacsan, waxaana jira waxyeelo kale oo
uu qaraxaasi u geystay dad rayi ah.
ilaa
iyo hadda ma jirto cid loo qabqabtay qaraxaasi lagu
qaarijiyey saraakiil ka tirsan Hay'adda MSF
Spain iyo dad kale, waxaana
jawi kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Kismaayo ee
xarunta gobolka J/hoose.
Qaraxaan lagu
khaarijiiey saraakiil ka tirsan hay'adda dhaqaatiirta aan
xuduuda laheyn ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda magaalada
Kismaayo ay maalmihii u dambeeyey ay aheyd mid aad u kacsan
oo maleeshiyo beeleedyo hubeysan ay Isbaarooyin dhinteen
wadada aada Dekada Magaalada Kismaayo.
Xafiiska Wararka Ceegaag
Online Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |