shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qarax Miino ah oo xalay ka dhacay Xaafada Afraad ee Magaalada Jig-Jiga.

(Jig-Jiga, January 03, 2008 Ceegaag Online)

Xalay goor dambe ayaa Magaalada Jig-Jiga waxaa gil-gilay Qarax xoog badan, Qaraxan ayaa laga maqlayay dhamaan xaafadaha Magaalada Jig-jiga.

Qaraxan oo Miino ahaa ayaa lala beegsaday  Baabuur ay Ciidamada Dowladdu leeyihiin Ciidamo Boolis ahna ay saarnaayeen  oo marayay wado ka mid ah Xaafada Afraad taas oo sababtay in Ciidamo tiro badan lagu soo daadiyo dhamaanwadooyinka Magaalada iyo waliba kuwa xaafadaha dhexdoodaba.

Qaraxan ayaa ka dhacay Xaafada Afraad meel wadada laamida badhtankeeda oo u dhaxaysa Iskuulka Sheekh Abdisalan iyo guryaha Qodobaha Xaafada Afraad, wax yar kadib qaraxa ayaa rasaas goos goos ah laga maqlayay aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaase la filayaa inay ciidamadu rasaas ay ku jeediyeen dhankii qaraxu ka xigay.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay sadex ka mid ah Ciidamada Booliska, Dadkan dhaawacmay ayaa markiiba loola soo cararay Cissbitaalka Karamardha ee Magaalada Jig-Jiga.

Ilaa hada lamana oga cida ka dambeysay weerarkan Dowladduna waxa hadal ah ilaa hada kamay soo saarin cid loo soo qabtayna ilaa hada majirto, inkastoo qaraxan xalay uu sii kordhiyay Cabsidii ay Shacabka magaaladu ka qabeen dilalkii isdaba jooga ahaa ee dhawaanahan magaalada dhexdeeda laga fuliyay, iyo xaalada Amaanka oo faraha kasii baxayso.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Jig-Jiga lagu dilay 4 qof oo labo ka mid ah ay yihiin Soomaali halka 2 kale na ay kasoo jeedaan Qowmiyada Tigreega.

Shacabka Magaalada Jig-Jiga ayaa aaminsan in falalkan ay ka dambeeyaan ururka OLF (Oromo Liberation Front) ama Onek oo Labadaba ka tirsan Qowmiyada Oromada si ay qalqal u galiyaan deegaanka Soomaalida  

Mohamed Bashir

Jig-Jiga, Ethiopia

mamebashir@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com