shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qarax xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo oo gaystay Dhimasho hal qof ah.

(Baydhabo, January 05, 2008 Ceegaag Online)

Qarax Xoogan ayaa habeenkii xalay ahaa si weyn u gil gilay Magaalada Baydhab, xilli Magaaladu aheyd mid Bandow saarneyd.

Qaraxan oo ahaa Bam Gacmeed ayaa lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda oo marayay Bartmaha Magaalada Baydhabo, kuwaasoo ahaa kuwo roondeynayay.

Nin Rayid ah ayaa sida la sheegay ku dhintay qaraxaas oo ilaa iyo hada aanu jirin cid loo qabtay, balse ay socdaan baaritaano.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxu uu ahaa Bam Gacameed uu tuuray nin wadada dhinaceeda taagnaa, isagoo la beegsanayay askar wadada dhinaca kale marayay.

Baydhabo oo ah Magaalo Xarun u ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Mas'uuliyiinta ugu sarsareysa Dowladda Federaalka, iyo dad fara badan oo Magaaladaas u shaqo tagay.

Weerarkan Xalay Baydhabo ka dhacay waxa uu qeyb ka yahay weeraro joogto ah oo ay hormuud ka yihiin Kooxaha Nabad diidka ah ee ku kacsan Dowladda kana soo horjeeda Siyaasada Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com