Qeybo kamid ah
waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran iyadoo gebi
ahaanba aaney halk-aas ka jirin isu socodka gaadiidka iyo
dadweynaha.
(Muqdisho,
January 23,
2008 Ceegaag Online)
Waddooyinka
saakay xiran ayaa waxaa ugu muhiimsan wadada Maka Al-mukarama
halkaas oo maalmihii ugu dambeeyey ay siweyn u
isticmaalayeen inta badan gaadiidka isaga goosha magaalada
Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Howl-wadaag, Hodan ,
Xamarweyne, Waaberi, Wada-jir iyo Dharkeynley.
Ciidamo ka
tirsan Dowladda Federaalka ayaa saakay aroortii hore isku
gadaamay wadadaas, iyagoo gebi ahaanba diiday isu socodka
gaadiidka iyo dadweynaha.
Gaadiidka
BL-ka ah ayaa isticmaalaya waddooyin ku yaala xaafadaha
gudahooda, waxaana sare u kac uu ku yimid qiimaha lagu raaco
gaadiidka dadweynaha.
Si cad looma
oga waxa ka dambeeya in ciidamo ka tirsan dowladda
federaalka ay xiraan waddooyin muhiim u ah isu socodka
gaadiidka BL-ka , waxana jira warar hoose oo sheegayaa in
maanta la filayo in wafdi ajanabi ah ay ka soo degaan
garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho
Wadada Wadnaha iyo tan
Warshadaha ayaa weli u xiran ciidamo isugu jira Itoobiyaan
iyo ciidamada dowladda Federaalka, iyadoo aaney
waddooyinkaas in muddo ah isticmaalin gaadiidka dadweynaha.
Waddooyinka ay xiraan
ciidamada dowladda ayaa waxa ay saameyn balaaran ku yeeshaan
dadweynaha, iyadoo uu hakad ku yimaado dhaq-dhaqaaqa
ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha ee isaga goosha xaafadaha
Muqdisho qaarkood.
Axmed Aadan
Ceegaag.com
Xafiiska Wararka Muqdisho,
Somalia
webmaster@ceegaag.com |