Senator Barack
Obama oo ku guuleystay Is reeb-Reebka Codbixinta Gobolka
South Carolina.
(South Carolina,
January 27,
2008 Ceegaag Online)
Senator Barack
Hussein Obama oo kamid ah Musharixiinta xisbiga Dimuqraadiga
ee loolanka ugu jira is reeb reebka tartanka Madaxtinimada
Mareykanka ayaa maanta ku guuleystay Doorasho ka dhacday
Gobolka South Carolina.
Barack Hussein Obama ayaa
waxaa dhanka xisbiga Dimuqraadiga tartan kula jiray Senator
Hillary Clinton oo ah haweeneyda u dhaxday Madaxweynihii
hore ee Mareykanka Bill Clinton, iyo Siyaasiga John Edwards.
Doorashadan oo dhacday ayuu
Senator Barack Obama helay 55% ee codadkii la dhiibtay,
Hillary-na ay heshay 27% halka John Edwards helay 18%.
Gobolka South Carolina ayaa ah
gobol ay aad ugu badan yihiin dadka Madow ama
(African-Americans) ee asal ahaan iyagu kasoo jeeda Qaarada
Africa.
Senator
Barack Obama ayaa Aabihii
asal ahaan kasoo jeeda gobolka Nyanza ee galbeedka dalka
Kenya, halka hooyadii tahay
caddaan Mareykan ah kana soo jeeda Gobolka Kansas,
Obama waa qareen (Lawyer)
bartay cilmiga sharciga, wuxuuna ku biiray aqalka Senate-ka
sanadkii 2004.
Guusha Obama ee gobolka
South Carolina ayey dad badan ku
tilmaameen mid yididiilo gelineysa ololaha uu ugu jiro
hanashada jagada Madaxweynenimo ee dalka Mareykanka
Barack
Hussein Obama ayaa ah shaqsi lagu tilmaamay inuu leeyahay
awood hoggaamineed, isla markaana khudbadihiisu qof kastoo
dhegaysata, gaar ahaanna da’yarta u dhexayso 18-40 jirka,
ayaa ku masalay inuu la mid yahay John F.Kennedy oo ahaa
Madaxweynihii 35 ee Dalka Mareykanka iyo Martin Luther King
Jr oo isna ahaa Halyeey udoodijiray Xuquuqda Dadyowga Madow
ee ku dhaqan Dalka Mareykanka.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |