Sheekh
Mustafe Xaaji Ismail Haruun oo dalka koonfur afrika ka
bilaawey ololo wacyigaliin ah
(Johannesburg,
January 29,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa
dalka K/Afrika soo garaay Sheekh Mustafe Xaaji Ismail
Haruun. oo ka mid ah cuulumo udiinka Soomaaliyeed kuwooda
ugu magaca iyo misaanka wayn, sheekh mustafe ayaa soo garaay
magalada Johannesberg halkaaso uu ka bilaawey muxaadaro
diini ah oo uu jeedinayo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku
dhaqaan magalada Johannesburg.
Sheekh
ayaa hoosta ka xariiqey in eey umadda soomaaliyeed ee ku
dhaqan guud ahaan wadanka in eey wajibaadka alle gutaan
uuna gutaan sidda uu alle uu farey sheekh ayaa iminka joga
wadanka koonfur afrika muddo labo cisho ah asigoo safar ku
kala baxshey magalooyinka waa weyn ee dalka koonfur afrika.
magalooyin kaasoo eey ka mid yihiin magalada Cape Town...
iyo magalada Portelisebeth, halkasoo uu kula hadlay umadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan magalooyinkaas,
Sheekh Mustafe Xaaji Ismail Haruun ayaa lagu wadaa maalinta
bari ah in uu safar ku kala baxsho wadamada kale ah Zambia
iyo Kenya halkaasoo uu ka jeedin donoo muxadarooyin diini
ah.
Mahaan
markii ugu horeysay ee dalka Koonfur Afrika uu yimaado
Sheekh bulshada dhexdeeda ku leh maqaam sare sannadki hore
ee 2007 ayaa waxaa yimid Sheekh Maxamed Cabdi Macaalin [umul]
oo ka mid ah culuumo udiinka Soomaaliyeed ee lagu bartey
faafiinta diinta Islaamka Sheekh Umul oo wacdii iyo waano
badan uu jeediyay umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka
Koonfur Afrika ayaa intooda badan sii diraan ugu cimri
qataay wanooyinkaas.
Xafiiska
waraarka ee Ceegaag ee johannesberg
Hassan Yeey,
Johannesburg,
K/Afrika.
webmaster@ceegaag.com |