Shir ka dhacey
Magaalada Cape town oo looga had-layay dhibaatada haysata
Umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Koonfur Africa.
(Johannesburg,
January 11,
2008 Ceegaag Online)
Shir
ballaaran ayaa xaley waxa uu ka dhacey Hoolka Shirarka ee
xaafadda Balvelle ee magalada Cape town ee dalka koonfur
Africa, shirkaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galey Soomaali
isugu jirta Culumaau’diin, Aqoonyahanno, iyo Ganacsato,
shirkaasi oo loogu magac daray shirka wada tashiga
Soomaalida western Cape, ayaa waxaa lagu falanqaynayay sida
soomaalida ku dhaqan Gobolka western cape amaba guud ahaan
wadanka koonfur Africa, loogu yeeli lahaa guddi mideysan.
Shirkaasi
ayaa waxaa qudbado meel taabanaya ka soo jeediyey qaar ka
tirsan Culumaau’diinka iyo ururka dhalinyarada Jaalliyada
Soomaaliyeed ee gobolka western cape, mid ka mid ah culumada
ka soo qeyb gashey shirka oo lagu magacaabo Sheekh Cabdi
Rashiid Caafi ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahey sidii
loo heli lahaa guddi isku xira dowladda koonfur Africa iyo
Soomaalida ku dhaqan wadanka.
Sidoo kale Sh.
Cabdirashid ayaa waxaa carabka ku dhuftay in loo baahanyahay
in la helo guddi u ololeeya sidii loogu fududeyn lahaa
soomalida sharci lagu jooga wadanka maadama buu yiri
soomaalida ay ku adagtahey luuqada English-ka ee looga hadlo
guud ahaan wadankan.
Waxaa kaloo
halkaasi qudbado ka soo jeediyay qaar ka tirsan ganacsatada
gobolka western cape oo iyagana ka hadlay in xal loo helo
soomaalida sida Arxan darada loogu xasuuqo wadanka koonfur
Africa, waa markii ugu horeysay shir caynkani ah lagu qabto
magalada cape town iyadoo guud ahaanba ay soomaalida ku nool
wadanka koonfur Africa la wado qorshe ah sidii loo wado
mideyn lahaa dhamaan Jaalliyada ku dhaqan wadanka koonfur
Africa,
Bishii la soo
dhaafay ayay ahayd markii soomaalida ku dhaqan magalada
Johannesburg ay doorteen Gudoomiye iyo ku xigeen iyo xubno
kale kuwaasoo dhamaan balan qaaday inay wax ka qabanayaan
dhibaatooyinka haysta Soomaalida ku nool wadanka koonfur
Africa, sidoo kale Soomaalida ku dhaqan gobolka north west
ayaa iyaguna ku gulaystay in ay ka dhisaan Jaalliyad
magalada Rustenburg. iyagoo halkaas ku magacaabay Gudoomiye
iyo ku xigeeno,
Hassan yeey,
Johannesburg,
South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |