Sixir Barar aad
u sareeya oo ka jira Magaalada Gaalkacayo.
(Galkacayo,
January 15,
2008 Ceegaag Online)
Sixir Barar aad u sareeya ayaa laga soo sheegayaa Magaalada
Gaalkacayo ee Gobolka Mudug, Sixir Bararkani ayaa gaaray
heerkii ugu sareeyay marka loo eego waqtiyadii lasoo dhaafay
haba ugu darnaadeen Cunnooyinka daruuriga ah ee dadku ay
isticmaalahaan maalin kaste oo ay qiimahoodu kor u kaceen.
Ganacsatada Magaalada Galkacayo ayaa ku sheegay kor u kaca
qiimaha la kala siisto cuntooyinka daruuriga ah iyo alaabada
kale inay ugu wacan tahay lacago been abuur ah oo si xad
dhaf ah u soo galay Magaalada iyadoo hoos u dhigtay
ganacsigi lixaadka leh ee ka jiray halkaas.
Dadwaynaha ayaa si wayn uga cabanaya sicir bararka soo food
saaray waxayna ka codsadeen ganacsatada inay u naxariistaan
dadka dan yarta ahee ku nool magaalada Gaalkacyo
Lacagahan been abuurka ah ayaa intooda badan waxaa lagu
farsameeyaa mashiino yaala Magaalada Boosaaso waxayna
saamayn ku yeesheen nolosha dadka dagan Gobolada kale ee ka
tirsan Maamul Goboleedka Puntland.
Magaalada
Galkacyo ayaa ah goob ganacsi weyn uu ka socodo xuduna u ah
isku xirka Gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed iyadoo aad
ku arki kartid noocyada kala duwan cunnooyinka Daruuriga ah
ee ay dadku isticmaalaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |