Sidee isu
daawayn haduu ku helo adoo keli ah Wadna Istaag (Heart
Attack) Allaah haynaga hayee?
(Somalia, January
15,
2008 Ceegaag Online)
Aan nidhaahno
Saacadu waa Lixdii iyo Badhkii Galabnimo adoo wata
Gaadhigaaga kelidaa weeye dabcan waxaana weeye waqti aad
shaqo ka soo rawaxday oo aan caadi kuu ahaan jirin adigoo
aad u daalan oo lala liita tacab,mar qudha ayaad waxaad ka
dareentay Laabtaada Xanuun aad u adag oo kor ugu fidaaya
Garbaha,Gacmaha ilaa Dhuunta sidii ay tahay hordhacyadii
Wadna Istaaga,waxaad ka fogtahay 5 kilometer meesha kuugu
dhow Dhakhtar ama Gurigaagiiba
Laakiin waxaa ah wax laga xumaado maad ogid ma kuu suura
gelaysaa inaad gowso Masaafadaa inta aanu aamusin Wadna
Istaagu Wadnahaaga!maxaad kari kartaa inaad samayso?waxaad
ku bartay Dooradii CPR ama BLS noolaynta Wadnaha,laakiin
Macalimkii ku tababaray waxaanu ku barin ama kaa ilaabay
inuu kuu sheego sidii aad CPR ta Naftaada ugu dabiqi lahayd
iyada oo Dad badani kelidood yihiin markay la kulanto Wadna
Istaagu,markaa arinkanu waa mid wayn oo aad u muhiim ah oo
baahi wayn loo qabo
Iyada oo aan cidina taageerin Qofka aanu Wadnahiisu si
nadaamsan u shaqaynayn oo dareemaaya inuu Miyir beelaayo
waxa uu haystaa waa 10 Ilbidhiqsi oo keli ah ka hor intaanu
Miyirkiisa iyo Wacyigiis beelin dhamaan,si kastaba ha
ahaatee Dadka uu haleelo Wadna Istaagu waxay u gargaari
karayaan Naftooda, waxayna samaynayaan sida tan:
Waa in aad u qufacdaa si xoog ah oo aad ku soo celcelinayso
waxa kale oo waajib ah oo lagaa rabaa in aad qaadato neef
dheer mar kasta ka hor inta aadan is quficin,Qufacana waxaa
loo baahan yahay inuu noqdo mid xoogan oo dheer oo aad ku
soo celcelinayso labadii Ilbidhiqsiba mar ugu yaraan adoo
aan kala joojinayn oo is dhiibayn ilaa uu kaaga imanaayo
gargaar ama aad ka dareemayso inuu Wadnahaagu sidiisii hore
ku noqday oo si caadi ah u shaqaynaayo
Neefsiga dheeri wuxuu soo gelinayaa hawada Oxygen ta ah
Sanbabadaada,Qufacuna wuxuu cadaadinayaa Wadnaha wuxuuna
dhaqaajinayaa wareega Dhiiga,cadaadinta Wadnaha ee ka
dhalanaysa Qufaca wuxuu ku celinayaa Wadnaha inuu sidiisii
caadiga ahayd u shaqayo
U dir qoraalkan saaxiibkaa ama macruuf ogowna inaad ku
badbaadin karto Qof Bini Aadmi ah Inshaa Allaah
Wabillaahi Towfiiq
Waxaa soo guuriyay: Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |