Urta Afku ma
Xanuun baa mise waa Nadaafad daro?
(Somalia, January
15,
2008 Ceegaag Online)
Qofka oo
Afkiisu Ur yeesho waa xaalad aad u fidsan oo la kulanta
Dadka badankiisa ama isaga laftiisa haka timaado ama Qof ka
soo horjeeda ha kaga timaadee,waxayna noqon kartaa mid
markaas uun dhacday sababna ay u tahay Cunto iyo Cabitaan
gaar ah waana mid taasu iska baaba'aysa marka Jidhku ka
takhaluso oo ay ka dhamaato,ama wuxuu noqon karaa Xanuun
joogta ah oo ku beera Qofka welwel iyo Weji gabax fara badan
Dadkuna ay ku dhaleecayaan had iyo jeer oo
karahsadaan,hadaba waxa is waydiin mudan waa maxay sababaha
keena Urka Afka?
Sababaha keena Urka Afka
Inteeda badani waxay ka dhalataa Afka iyo Ilkaha sababtuna
waa inuu Qofku ka gaabiyay inuu ka nadiifiyo wax yaabihii
Cuntada ka soo hadhay Ilkaha,Carabka iyo dhamaan Afka
gudihiisa waxa yaabahaas oo isu roga hadaan laga nadiifin
Afka Maadooyin qudhma oo keena ur aad loo necbaysto
Sabab kale ayaa waxay noqonaysaa in ay ku jirto
xalaad Xanuun ahi Qofkaa Afkiisa sida Xanuunka Ciridka ama
Ilkaha oo jilicsan oo daloola leh ama in duhaadh ama buuxin
Ilkaha qaarkood lagu sameeyay oo aan sidii haboonayd loo
samayn taas oo sii kordhisa inay galaan oo ku biiraan wax
yaabaha Cuntada ka soo hadhaa ayna adkaato in laga
nadiifiyaa
Sabab kale ayaa iyana waxay noqonaysaa in uu jiro
Xanuun Dalqada ama Mareenka neefsiga ama Sanka Dulkiisa
hoose ama khalal ku yimi Jihaaska Cuntada raqda ama Xanuun
Sanbabada ah
Waxa iyana keena xaalada aad u yar oo noqon karta sida
khalal ama Xanuun Xubineed oo ah Beerka iyo Kelyaha
Sababo sii kordhiya Urta xun ee Afka
1- iyada oo ay Qofka Afkiisa ku yaraato Candhuuftu iyo
Dalqada oo qalasha taana waxaa sababa badanaa Xanuun ku
dhaca Qanjaha Candhuufta keena
2- iyada oo ay saamayn ku yeelato Dawooyinka qaar sida kuwa
Xasaasiyada iyo kuwa Xanuunka Sonkoriga
3- Qofka oo ay hayso diiqad Nafsad ahaaneed iwm
4- cabista Sigaarka iyo Coffee ga iyo wax yaabaha laga
sameeyo Isbiirtada (Alchol) ta
5-noocyo gaar ah oo ka mid ah Cuntada sida Basasha,Thoomta
iyo Xawaashaka qaarkii
5- iyada oo aanu Qofku Cunto cunin waqti dheer sida
Habeenkii oo ayna yaraato Candhuuftu iyo inuu Qofku ka
neefsado Afka markuu hurdo' gaar ahaan haduu leeyahay Xunuun
Sanka Dulkiisa hoose ah ama uu xidhmo sida markuu duryo
Sababo yarayn kara Urta xun ee Afka
1- in lagu dedaalo nadaafada iyo caafimaadka Afka iyo Ilkaha
iyadoo la isticmaalaayo Burushka ama Cadayga iyo
luqluqashada waqtiga haboon iyo dariiqada saxda ah
2- in la badiyo cabista Biyaha iyo wax yaabaha kale ee sida
biyaha ah(Liquids) iyo in la yareeyo cabitaanka Coffee ga
iyo Sigaarka iyo in la habayo waqtiyada Cuntada iyo noocyada
Cuntadaba
3- in la Cabo Caanaha noocyadooda kala gedisan
Doorka looga baahan yahay Dhakhtarka Ilkaha inuu ka qaato
baabi'inta Urta Afka
1- baadhitaan sax ah oo uu ku sameeyo Afka iyo Ilkaha uuna go'aan
ka gaadho sababta keentay Urta
2-in uu ka shaqayo nadiifinta Ciridka iyo daldaloolka Ilkaha
iyo in uu bedelo Duhaadhyada iyo buuxinta aan si haboon oo
sax ah loo samayn
3-in uu baro oo u sheego Qofka buka sida saxa ah ee loo
ilaaliyo Ilkaha
4-in uu kula taliyo wax yaabaha Afka ka dhigi kara mid qoyan
iyo wax yaabaha kaaliya sida loo hagaajinayo in Qanjuhu
samayaan Candhuuf
5-in uu u diro Dhakhtarka ku shaqada leh haduu ogaado in
Xanuun Xubneed oo kale keenayo urtatan
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa soo guuriyay:
Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |