Ururka
Jaamacada Carabta oo si Diiran usoo dhawe-eysay Xukuumadda
Cusub ee RW Nuur Cadde.
(Somalia, January
12,
2008 Ceegaag Online)
Ururka
Jaamacadda Carabta ayaa si weyn usoo dhaweeyay Xukuumadda
Cusub ee Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
iyagoona uballan qaaday in ay si buuxda ula shaqeyn doonaan
Xukuumada Cusub.
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta
Camar Muuse ugu xilsaaran Arrimaha dalka Soomaaliya Samir
Xusni ayaa sheegay in ay ku farxeen hana qaadka Xukuumada
Tirada yar isla markaana ay diyaar u yihiin la shaqeyntooda.
Mr Xusni ayaa sheegay in looga fadhiyo Xukuumadda Ra’iisal
Wasaare Nuur Cadde in ay meel marsio ballan qaadyadeedii ku
aadanaa in ay dib u heshiisiin kusoo dabaasho Guud ahaan
dalka isla markaana la hadlaan Mucaaradka kazoo horjeeda
Dowladda Federaalka Kmg.
Ururka Jaamacadda Carabta oo xiriir Fiican la leh Dowladda
Federaalka ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay dhaqaale ku
taageeri doonaan Xukuumadda Cusub ee Ra’iisal Wasaare Nuur
Cadde.
Dhinac kale Dowladda Mareykanka iyo Midowga Europe ayaa
Labadaba soo dhaweeyay Xukuumada Cusub waxaana uu ku baaqay
in lasii wado hanaanka lagu doonayo xasilinjta Soomaaliya
iyo dib u heshiisiinta si looga gudbo dhibaatooyinka ka
tagaan Wadanka Soomaaliya sidii ay u burburtay Dowladdii
Maxamed Siyaad Barre.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |