Waa sidee Jawiga
Waddanka Kenya, ka dib marki uu galey Qalalaasooyinkii ugu
xumaa intii Xornimadiisa uu qaatay.
(Nairobi, January
03,
2008 Ceegaag Online)
Jawiga Dalka
Kenya ka dib doorashooyinkii guud ee ka dhacay dalkaas
27-kii bishii December taas oo sadex maalmood ka dib la
shaaciyay in uu doorashadda ku guulaystay Musharaxa Xisbiga
PNU Madaxweynahii talada dalka hayay mudadii 5-ta sano
aheyd ee tagtay Mwai Kibaki, ayaa gaadhay heerkii ugu xumaa
intii uu dalkaas xornimadiisa qaatay sanadku markuu ahaa
1963.
doorashadda
dalka Kenya sannadkan ayaa ahayd tii ugu loolan adkeed ee
soo marta dalkaas iyadoo Xisbiga Mucaaradka ee ODM oo uu HHHHhhhjqskjsakjskjcjksogaaminayo
Raila Odinga ay ka guuleysteen inta badan kuraasta
Baarlmaanka.
Ku
dhawaaqista Mwai Kibaki jagada madaxweynaha shanta sano ee
fooda inagu soo haysa ayaa dhalisay Qalalaasooyinkii ugu
xumaa ee dalkaas ka dhaca intii uu Xornimadiisa qaatay.
Amaanka guud
ee dalka kenya ayaa faraha ka baxey iyadoo sameyn weyn ay ku
yaalatey isku socoodkii dadka,maadaama laga dareemayo dalka
kenya cabsi weyn oo dhalin karta in uu ku yimadoo burbuur
iyo Dagaal Heyb sooc ah.
Hadaba beesha
Caalamka ayaa ka hadashay Arinta saameynta weyn ku yaalatey
dalka kenya, iyagoo ugu baqaay xisbiyadda isku haya dalka
kenya in aysan dhibaato u horseedin Shacabka Walaalaha ah ee
kuwada dhaqaan waddanka.
Maanta oo
Khamiis ah ayaa waxaa ka socda Magaalada Nairobi Isu soo bax
lagu qoyaasay Hal Million oo qof oo ay soo qaban qaabiyeen
Xisbiga ODM ee uu Hogaamiyo Raila Odinga waxayna u badan
tahay in uu iskii ugu dhawaaqdo in uu yahay Madaxweynaha
Xaqa ah ee Dalka Kenya.
Musharaxa
Xisbiga Democratic ee wadanka Mareykan Barrack Hussein Obama
oo aabihii kasoo jeedo Wadanka Kenya ayaa sheegay in uu aad
uga xunyahay dhibaatada ka aloosan Wadanka Bariga Africa
(Kenya) isagoo ugu baaqay Madaxweyne Kibaki, Raila Odinga
iyo dhamaan Shacabka Kenya in ay si nabadgalyo ah ku soo
afjaraan qalalaasaha iyo Rabshadaha sii kordhaya.
Hassan yeey
Johannesburg,
South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |