Wadooyin Badan
oo kuyaala Magaalada Muqdisho oo saaka dib u furmay kadib
markii ay ka baxeen Ciidamada DF iyo Kuwa Itoobiya.
(Muqdisho,
January 30,
2008 Ceegaag Online)
Waddooyin
badan oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa saakay dib u
furmay kadib markii ay halkaas isaga huleen ciidamo isugu
jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo in muddo ah ku sugnaa
waddooyinkaas.
Waddooyinka
muhiimka ah ee saakay dib u furmay oo ay ka howl bilaabeen
gaadiidka dadweynaha waxaa kamid ah wadada Wadnaha, wadada
30-ka iyo qeybo kamid ah wadada Warshadaha.
Muddo 2-bil
ah kadib ayaa saakay dadweyne aad u badan iyo gaadiid lagu
arkay wadada wadooyinkaas halkaas oo ay mudaba deganaayeen
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
Gaadiidka
isaga goosha KM4 ilaa Baar Ubax ayaa si caadi ah u
shaqeynayey, iyadoo gaadiidka ka soo baxaya KM4 ay sidoo
kale soo aadayaan isgoysyada Bakaaraha iyo Howl-wadaag
iyagoo soo maraya hareeraha Tarabuunka.
Ma jiraan wax
ciidamo ah oo saakay waddooyinkaas jooga, illaa iyo haddana
ma jiro mas'uul ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka hadlay
sababaha ay ciidamada Dowladdu ugu guureen waddooyinkaas.
Dadweynaha ku
dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyey muddo
2-bil ah kadib in ay dib u furmaan waddooyin muhiim u ahaa
isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |