Wafdi ka
socda Baarlamaanka Soomaaliya oo maan-ta u duulay dalka
Masar.
(Baydhabo
January 26,
2008 Ceegaag Online)
Wafdi
dhawr xubnood ka kooban oo ka socda Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya ayaa u duulay xarunta Jaamacadda Carabta ee
Magaalada Qaahira sida ay sheegayan wararka saaka naga soo
gaaraya Magaalada Baydhabo oo Xarun u ah Baarlamaanka
Soomaaliya.
Xubnaha
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiye kuxigeenka
Baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa waxaana ka mid ah
xubno Baarlamaanka ka tirsan kuwaas oo Prof. Dalxa ku
wehelinaya safarkiisa.
Ujeedada
socdaalka Wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay tahay
ka qeybgalka kulan Baarlamaanada Islaamka ku yeelanayaan
Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Shirkan
ayaa ujeedadiisu tahay bal in daraasaad lagu sameeyo
xaaladaha ka jira dalalka Islaamka oo Soomaaliya ay ka mid
tahay, waxaa kaloo looga hadlaya danaha dalalka Islaamka
sida uu sheegay Prof Dalxa
“Soomaalida waxay tiraahdaa
qof walba meesha uu dhibsanayso ayuu ka hadlaa anaga ka
Baarlamaan ahaan waxaa diirada noo saran dhibka haysta
dalkeena, iyo Guud ahaan Dadkeena ”ayuu yiri Prof. Dalxa.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |