Wafdi ka
socdahay'adda Q.M ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee
xarunta gobolka Sh/hoose.
(Marko Caday,
January 22,
2008 Ceegaag Online)
Wafdigaan ayaa marka ay gaareen magaalada Marka waxa ay
kulamo halkaas kula qaateen madaxda gobolkaas oo uu ugu
horeeyey guddoomiyaha gobolka Dr. C/qaadir iyo taliyaha
ciidanka Booliska gobolka Sh/hoose Cali Ganeey.
Wafdigaan ka socday Q.M oo ahaa wafdi xaqiiqo raadin ah ayaa
waxa ay intii ay ku sugnaayeen gobolka Sh/hoose u guurgaleen
dhinaca amaanka, iyo sida ay suuragal ku noqon karto in
ciidamo nabad ilaalineed la keno gudaha Soomaaliya.
Waxa ay xubnaha wafdigaan booqdeen xeryo ay deggan yihiin
dad soo barakacay oo ku yaal gudaha magaalada Marka ee
xarunta gobolkaas.Booqashada wafdiga ka socday Q.M ayaa
qqeyb ka aheyd booqashooyin ay maalmihii u dambeeyey ku
marayee gobolada dalka Soomaalia iyadoo maalintii shalay ay
aheyd markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho.
Axmed Aadan
Xafiiska wararka Muqdisho, Somalia
webmaster@ceegaag.com |