shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafdi kasocdo Hay’adda W.F.P oo maanta soo gaa-ray Magaalada Muqdisho kulamana laqaatay Mas'uuliyiinta Dowlada Federaalka.

(Muqdisho, January 16, 2008 Ceegaag Online)  

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi balaaran oo kasocday Hay’addaha Qaramada Midoobay kuwaas oo kulamo laqaatay mas'uuliyiin katirsan Saraakiisha amaanka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan oo ka socday Barnaamijka Cunada aduunkan oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano World Food Program (WFP) ayay ujeedkiisu ahayd sidii ay gacan saar ula yeelan la haayeen Mas’uuliyiinta Dowladda oo uu khilaaf weyn uu dhexmaray.

Wafdiga ayaa kulamo la qaatay taliyaha Ciidamada Nabad sugida Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed warsame Darwiish iyo Taliyaha  Ciidamada Booliska Cabdi Xasan Cawaale qaybiid waxayna diirad ku sareen kulankooda sidii Hay’adda W.F.P ay is kaashi buuxa ula yeelan lahayd Hay’addaha amaanka ee ka Jira Magaalada Muqdisho.

Maxamed Warsame darwiish oo shir jaraaid qabtay markii uu soo gaba gaboobay kulankii ay laqaateen ajaanibta ayaa saxaafadda u sheegay in W.F.P ay wada shaqyan laleedahay Xukuumada Federaalka Somalia horay ayaa Muqdisho loogu xiray Wakiilkii W.F.P u qaabilsanaa Soomaaliya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com