Waraaqo digniin
ah oo lagu daadiyey gudaha degma-da Buurhakaba.
(Buurhakaba,
January 28,
2008 Ceegaag Online)
Waraaqo digniin loogu
jeedinayo Maamulka degmada Buurhakaba iyo ganacsatada iibisa
waxyaabalaha muqaadaraadka ah ayaa lagu daadiyey gudaha
degmada Buurhabkaba ee Gobolka Baay.
Waraaqahan oo aan ilaa iyo
hadda la ogeyn cidda ka dambeysa ayaa warar aan weli
la xaqiijin ay sheegayaan in ay sheegteen urur la magac
baxay Al-Islaam Fi-Somal ku daadiyeen
gudaha degmada Buurhakaba ayna ku qoreen digniino ay u
jeedinayaan maamulka degmadaas iyo dadka ka ganacsada
waxyaalaha muqaadaraadka ah.
Maamulka degmada Buurhakaba
ayaa ka hadlay waraaqahaas lagu daadiyey gudaha degmadaas,
waxaana maamulku ay sheegeen in digniinaha lagu qoray
waraaqahaas aaney wax saameyn sidaa u balaaran ku yeelan
doonin howshooda shaqo.
Dadka
ku dhaqan degmada Buurhakaba ayaa si weyn u hadal haya
waraaqaha digniinta ah ee lagu daadiyey degmada Buurhakaba
iyadoo dadka halkaasi ku nool ay hadal heynta ugu badan ee
maanta ay arintaas la xiriirto.
Horaantii isbuucaan ayaa sidoo kale waraaqo digniin ah lagu
daadiyey gudaha degmadaas, iyadoo aan illaa iyo hadda si
dhab ah loo ogeyn cidda ka dambeysa waraaqaha
digniinta ah ee lagu daadiyey gudaha degmadaas.
Xafiiska Wararka Ceegaag
Online Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |