shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wariyaal ka tirsan Idaacadda Somaliweyn oo Maali-ntii labaad ku jira Xabsiga Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, January 14, 2008 Ceegaag Online)  

Waxaa Maanta maalintii labaad Xabsiga magaalada Muqdisho ku jiro Weriye  Bashiir Maxamed C/qaadir iyo Agaasimihii Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Xudayfi.

Shalay ayay Ciidamo katirsan Kuwa Nabad sugida Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay xoog ku galeen xarunta Idaaacdda Soomaaliweyn oo kutaal degmada Shibis ee waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Qaar katirsan Shaqalaha iyo weriyaasha Idaacadda Somaliweyn ayaa walaac kamuujiyay xariga sharci darada ah ee lagula kacay  weriyaashan ka madax banaanaa Siyaasadaha kajiro dalka soomaaliya,iyadoo Waalidkii dhalay ay kacodsadeen Mas’uuliyiinta dowlada Federaalka Soomaaliya in ay usii deeyaan wiilashooda

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sababaha rasmiga ee ay Ciiddamadda Dowladda u xireen Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn, C/raxmaan Xudeyfi iyo Weriye Bashiir Maxamed C/qaadir oo iyagu maalintii labaad lagu hayo Xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com