Wasaaradda
Arimaha gudaha Dowladda KMG oo ku howlan maamul u sameynta
Gobolka Bay.
(Baydhabo,
January 31,
2008 Ceegaag Online)
Wasaaradda arrimaha gudaha
dowladda federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay
doorashooyin uga qeyb laheyd gobolka Bay oo ay hareeyeeyn
khilaafyo dhinac maamulka ah.
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Mudane Muuse
Nuur Amiin ayaa wada dadaal uu doorashooyin kaga hirgalinayo
gobolka Bay, iyadoo ay magaalada Beydhabo ka socoto
qabanqaabo arintaas la xiriirta.
Muranka ayaa sii xoogeystay markii Xaaji Maxamuud Maxamed
Barbaar oo hore u ahaa guddomiyaha gobolka Bay uu sheegtay
in uu weli yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee gobolka Bay,
waxaana sheegashada mas'uulkaas ay khilaaf siyaasadeed oo
xooggan ka dhex abuurtay madaxda gobolka Bay.
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ayaa ku
howlan in ay xaliso khilaafa, iyadoo qorse mamul loogu
sameynayo gobolka Bayna uu ka socdo magaalada Baydhabo ee
xarunta gobolka Bay.
Shirar arintaas la xiriira ayaa ka socda magaalada Beydhabo,
waxaana wasiirka arrimaha gudaha uu kulamo kala duwan la
qaatay waxgaradka iyo odayaasha gobolka Bay si maamul loo
dhan yahay looga dhiso gobolkaas.
Khilaafka dhinaca mamulka ah ayaa ku soo laab-laabtay
magaalada Beydhabo, waxaana taasi ay keentay in xilkii
guddoomiyaha gobolkaas ay si ku meel gaar ah dowladda ugu
dhiibto taliyaha ciidanka qeybta gobolka.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadam Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |